Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta
GudahaWararka

Taliska ciidanka xoogga iyo SoDMA oo ka wada hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa goobaha laga xoreeyay khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 17, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimillada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’adda SODMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo Khawaarijta.

Waxaa la isku afgartay in SODMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Sidoo kale waxay labada mas’uul isla qaateen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adda SoDMA.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Sareeye Gaas, Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Gudoomiyaha SODMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahayd gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo kulan casho sharaf ah ku maamuusay madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkii Wadatashiga

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay…

GudahaWararka
July 15, 2023

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 36 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19…

Wararka
June 17, 2020

Maamulka Puntland oo xukun dil ah ku fuliyey 10 Khawaarij ah

Gaalkacayo(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacayo aroornimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay 10…

GudahaWararka
August 17, 2024

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaana ay isku abaabulayen khawaarijta oo katirsan Shabeellaha Hoose.…

GudahaWararka
March 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023