Muqdisho…SONNA… Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe) oo goobta qaraxa tagay ayaa warbaahinta uga warbixiyay khasaarah ka dhashay wareerkii argagisixada ay la beegsadeen Kolanyadda gaadiidka ahayd ee u la socday taliyaha boliiska gobolka Banaadir oo marayay inta u dhaxeeysa istabaalka Madiina iyo Isbitaalka Banaadir,waxa uu na sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen 4 ruux halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weeraray kolanyadda u la socday taliyaha,xilliga qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa marayay inta u dhaxeeysa Isbitaalada Banaadir iyo Madiina.
Sidoo kale, war goor sii horeysay ka soo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu yiri:-
โWeerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa ayaa lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud Qaroole, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ayaa lagu yiriโ Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wixii war ah ee ku soo kordha halkan ayaan idin kula wadeegi doona.