Muqdisho-(SONNA)-Qof naftiisa halligay ayaa goordhow isku qarxiyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Col; Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in dad u badan rayid ay waxyeello ka soo gaartay qaraxaas, isla markaana ay warbixin dhameystiran ka soo saarayaan.