Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Talaabo kasta oo looga takhalusayo Shabaabka oo la qaadayo’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Talaabo kasta oo looga takhalusayo Shabaabka oo la qaadayo’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Talaabo kasta oo looga takhalusayo Shabaabka oo la qaadayo’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 19, 2023
6 Min Read
Share

Wali waxaa socda dardargalinta dagaal ee lagula jiro kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana ay socda howasha toosinta habaca gala habsami u socodka gulufka lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana uu magaacaabistan ku saleeyay sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, Shacab iyo Ciidanba ay maanta hortaallo mas’uuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta, iyadoo uu Xeerkan Madaxweyne uu ku dhaqan-galay shalay oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxay tahay Xogta magacaabista labada taliye?: Magaalada Dhuusamareeb waxaa beryahaanba shirar gaar ah uu la qaatay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Taliyaha xoogga dalka Gen. Ibraahim Sheekh Muxudiin, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saaray xoojinta dagaalka iyo saxidda qalalaadka jiray ee ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyanaha ayaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xoogga kala hadlay xoojinta dagaalka iyo kala saarista shaqooyinka cid walba ay leedahay, wuxuuna siiyay hoga-tusaaleyn cid walba shaqda ay gooni u leedahay, wuxuuna ka dhageystay talooyinka la xariira wax ka bedelka taliska Ciidamada gaar ahaan ciidanka lugta.

Taliye Dayax ayaa ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka , waxa uuna ahaa taliyaha ciidamada GorGor, isagoo ka horna ahaa abaanduule ka tirsanaa ciidanka koofiya casta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

“Dowladeena Soomaaliyeed in aan garab istagaano, Ciidamadeen in aan garab isgaagno, dadka deegaanka oo soo jeestay oo wacyigooda sidii hore uu ka duwan yahay in la garab istaago waaye,” sida uu yiri guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaair Mudane Yabooh. Deeqdaan uu shalay gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ciidama dowladda ee xilligaan dagaalka kula jira Khawaarijta waxa ay aheyd mid uu maamulka horay u balan qaaday, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin garab istaaga Ciidamada.

“Guddoomiyaha gobalka Banaaddir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Sh. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Maddaale” wuxuu joogaa furinta dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab,  ma ahan nin dagaal, balse waa nin abaabul, sidaasi darteed, waxaan qabaa ha laga faa’iideysto fursaddaasi. Wuxuu hormuud u yahay mudanayaal badan oo furimaha hore ee dagaalka ku sii jeeda. Waxaan hubaa haddii Guddoomiye Maddaale uu dego deegaannada Degmada Ruunnirgood mid ka mid ah sida: Nuurdugle, Caddaan-laxeey ama degmada lafteeda in la heli doono kumannaan macaawisleey ah oo naftooda u hura deegaanka, kuwaasi oo intooda badan weli la’ cid ay aaminaan”, sidaasi waxaa SONNA u sheegay mid ka mid dadka dadka deegaanka Ruunnirgood. “Madaxweynihii adiga ku soo magacaabay, islamarkaana mas’uuliyadda Ummadeed kugu aaminay ayaa hortaada furin uga jira, sidaa darteed iima muuqato fursad aad ku dayacdo midda maanta aad heysato deegaankaaguna kaa naawilayo. Nin walboow naftaa, Nabiyoow Ummaddaa ayaa xaalku marayaa e”, ayuu sii raaciyay.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in la go’doomiyay koox ka tirsan maleeshiyada Khawarijta ah ee Shabaabka ee ku sugan deegaanno hoos taga Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib dagaal halkaasi ka dhacay, waxayna Wararka hordhaca ah ay sheegayaan in koox maleeshiyadaasi ay ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabeelle, si ay weeraro uga gaystaan waddooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka Drones-ka ay ka qeyb qaateen Weerarka.

Ciidamada ayaa shalay dagaal culus la galay Shabaabka, oo ka dhex dagaalamaya dhulka howdka ee ku teedsan Webiga, iyadoo ay dhimasho badan iyo khasaare dhaawacyo u badan ka dhacey deegaanka, waxayna ku hareersan yihiin ama go’doonsan yihiin godod halkaasi ka qoteen, waxaana u furan tahay hal waddo oo keliya, waana waddada ay Webiga uga tallaabi karaan daanta galbeed ee gobolkaasi, taasina suurtogal uma aha taasina.

Deegaannada ay Khawaariijta muddo ka badan 24 saac ku go.doonsan yihiin ayaa kala ah Ciid ciidka iyo Xuseen barbaar ee Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana lagu sheegay inay meeshaasi tahay dhul howd ah oo ay Maleeshiyaadka Shabaabku gabaad ka dhigan karaan, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah, in laga saarana ay muhiim u tahay xasilloonida labada gobol ee Hiiraan iyo Sahabeelada Dhexe ee Maamul-goboleedka Hirshabelle, waxaana la soo warinayaa in haatan la Qorshaha in Ciidamada ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka howdka iyo midda kale ee tagta Webiga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Muqdisho,SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan…

GudahaWararka
August 16, 2025

Doorka reer Jubbaland ee dagaalka Khawaarijta (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Doorka reer Jubbaland ee dagaalka Khawaarijta (Warbixin Dagaalka ka dhanka kooxda khawaariijta ayaa gelaya wejigii labaad ee dib u xoraynta…

MaqaalladaWararka
March 11, 2023

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu…

GudahaWararka
January 25, 2022

Safiirka Yuganda ee Soomaaliya: Ciidamada Yuganda waxaa ka go’an in ay fuliyaan waajibaadka hawlgalka ATMIS

Muqdisho –(SONNA)-Wakiilka gaarka ah ee Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire,…

GudahaWararka
June 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023