Manchester(SONNA)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay xaalada ciyaaryahanka qadka dhexe reer France ee Paul Pogba.
Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa caawa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhoweynaysa naadiga Manchester United kulan ka tirsan wareegga afaraad ee koobka Carabao Cup.
Macalin Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay in Paul Pogba uusan ku jirin xaalad jir ahaaneed oo wanaagsan, isla markaana uu u baahan yahay waqti kale ee cusub si uu uga soo kabto dhaawiciisa, ayna sii socon karto maqnaanshiyihiisa ilaa iyo bisha December.
Macalinka reer Norway oo ka hadlayay xaalada Paul Pogba ayaa wuxuu yiri:
“Uma maleynayo in Paul Pogba uu soo laaban doono ka hor December”.
“Wuxuu u baahan yahay waqti ku filan uu ku soo kabsan karo, laakiin wuu soo laaban doonaa”.
“Waxaan u maleynayaa inuu ku soo laaban doono kulanka Sheffield United ee kaddib fasaxa kulamada caalamiga ah”.