Muqdisho (SONNA)- Tababar ku saabsan Maareeynta halista Musiibooyinka Qaran ayna ka qayb galeen ku dhawaad 30 wakiilo, la-taliyeyaal iyo agaasimeyaasha hayโadaha dawladda Soomaaliya ayaa maanta Khamiis ah uga soo geba-gaboobay Teendhada Afisiyoni ee magaalada Muqdisho.
Tababarka oo qaatay labo berri, qaybna uu ka ahaa la tashiyo ku saabsan sida dhaqsiyaha badan ee looga jawaabi karo marka ay masiibo dhacdo ayna soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Hawlgalka Gurmadka Deg Degga ah ( NEOC) taasi oo ka hoos shaqaysan xafiiska Raโisul wasaaraha.
Masโuuliyiin ka kale socda Xafiiska Raโisul wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Beniโaadinimada & Maareynta Musiibinka ayaa door weyn ku lahaa qorshaha, waxa ayna xuseen in Xarunta ka jawaabinta xaaladaha deg degga dhismaheeda laga dhaga dhigay deg. C/casiis ee gobalka Benaadir.
Waxa sidoo kale ka joogay Masโuuliyiin ka socday Wasaaradaha Warfaafinta, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Difaaca, Amniga, Qorsheynta & Hayโadda Duulista Hawadda.