Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tababar ku saabsan maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tababar ku saabsan maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo
GudahaWararka

Tababar ku saabsan maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 3, 2023
2 Min Read
Share

Kismaayo,(SONNA):- Wasiirka Wasaraada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex maalmood ah gabdhaha saxaafada ku jira ee dowladda goboleedka Jubaland.

Tababarkan, oo lagu baranayay sidii gabdhaha saxaafada ku jira kaalin ugu yeelan lahaayeen maamulidda warbaahinta dalka, ayaa waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Jubaland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay iska kaashadeen qabsoomidda tababarkan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka Iyo Heer Dowlad Goboleed, ujeedkiisuna ahaa sidii gabdhaha saxaafadda ku jira aqoontooda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo fududayn lahaa ka mid noqoshadooda maamulka warbaahinta .

Agaasimaha xiriirka Dowlad Goboleedyada ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo ka hadlay madasha xiritaanka ayaa ugu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland sida wacan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaanada Jubaland si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam (Koronto) La-taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka, ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta xirfadda iyo horumarka gabadhaha saxaafadda ku jira ee deegaanada Jubaland.

Gabdhaha suxufiyiinta ah ee tababarka qaatay, ayaa u mahadceliyay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda Warfaafinta heer dowlad goboleed ee Jubaland hirgalinta tababarkan si loo dhiira galiyo kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta, iyaga oo codsaday in la badiyo tababarka Gabdhaha saxafiyiinta ah loo qabanayo.

Tababarkan oo ah kii sedexaad oo nuuciisa ah waxa uu qeyb yahay tababarro wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee heer federal ay ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah ee ku nool xarumaha dowlad goboleedyada si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka

Shirkadda difaaca Turkiga ee Bogazici Defence Technologies waxay soo jeedinaysaa dareenka warshadaha Difaaca Caalamiga ah (IDEF) 2025 oo leh habka…

CaalamkaMaqaalladaTechnology
July 27, 2025

Safiir Ilyaas” Dalalka EAC waa in ay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed,”

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha…

GudahaWararka
April 26, 2025

Muddada is-diiwaan gelinta ururrada siyaasadda ee dalka oo la kordhiyay

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in muddadii loogu talagalay in…

GudahaWararka
March 26, 2025

Meydka Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Muqdisho laga soo dajiyay

Muqdisho,(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban…

GudahaWararka
December 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023