Muqdisho (SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa tababar ku saabsan illaalinta Xuquuqul Insaanka u soo gabagabeeyay Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hoolwadeenno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan oo Muddo Afar maalin ah Socday ayaa waxaa soo Agaasimay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan waaxda Xuquuqul Insaanka iyo ka hortagga Askareynta Carruurta ,Waxaana gabagabada tababarka goob-joog ka ahaa Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub oo uu qeybka ahaa Taliyaha Howlgaladda Midowga Yurub ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye) iyo Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha iyo Howlwadeenada tababarka ka qeybgalay in ay dhaqan galiyaan Casharadii ay barteen mudadii uu socday tababarka.
Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo soo xiray tababarka ayaa goobta ka Sheegay in Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka go’antahay tayeynta iyo Sare u qaadidda Xirfadda Shaqaalaha Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midowga Yurub ee Saaxiibadda Caalamka ee taageera Soomaaliya ka codsaday joogteynta Tababarada ku aaddan baahiyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashandhigga .
Ugu dambeybtii Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa la Guddoonsiiyay xubnihii ka qeybgalay Shashaadooyin la xiriira Aqoontii ay kororsadeen Mudadii Tababarka Socday.