Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”
Wararka

Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib “Akhriso”

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 18, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Cumar Carte Qaalib ,  waxa  uu ku dhashay  magaalada Hargeysa  sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay Jaamacada Bristol ee dalka  Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabileey.

Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960  , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Inta uusan dhalan kacaanka waxa uu noqday Danjiraha Ethiopia ee Soomaaliya.

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay Wasiirka  arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxweynaha  golaha  ammaanka  ee Qaramada Midoobay 1972 ,  sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka Jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka Wasiirka  arrimaha hayey illaa 1977.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.

7 June 1982,  Cumar Carte Qaalib iyo 6  siyaasi oo kale, kuwaasi oo kala ah

  1. Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor
  2. Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale
  3. Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle
  4. Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)
  5. Maxamed Yuusuf Weyrax iyo
  6. Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii saddexaad Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu  xirhnaa  , laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimid beesha caalamka iyo ururada  u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana  loogu badelay xabsi.

Waxa  lagu hayey  xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisal Wsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha  u soo galay  magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa  xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay  dawladdu sii burburaysay  , waxa  uu ugu baaqay ciidamadu  in ay hubkoodu ku wareejiyeen  jabhadaha  dagaalka kula jiray , waxaana  uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara  oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisal Wsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey  illaa bishii May 1993.

1993 ,waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Carte dadka  yaqaanaa , waxay ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

W/D: Xasan Abuukar Cali (Xasan Baydhabo)

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

“Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerar qorshaysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka…

GudahaMaqaalladaWararka
May 21, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furimaha dagaalka u jooga ciribtirka Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa bisha barakeysan ee soon-qaad waxa ay ugu bilatay isagoo…

GudahaWararka
March 1, 2025

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo ka qaybgashay shirweynaha Baarlamaanka Adduunka

Islamabad-(SONNA)-Shirweynaha todobaad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Islamabad ee Dalka Pakistan, waxaana Soomaaliya ku…

GudahaWararka
November 12, 2025

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo  booqasho aan la sii shaacin ku tegay Afghanistan

Afghanistan .(SONNA):- Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay maanta caasimadda Afghanistan…

CaalamkaWararka
April 15, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023