Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska
GudahaWararka

Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 24, 2020
5 Min Read
Share

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sare wuxuu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare, dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho,Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho,dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii sokeeye dartii uma suurta gelin inuu bilaabo,

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa Saxafi iyo Tafatire ka hawl-gala wargaysyada ka soo baxa maamulka Somaliland,October 1998kii ayuu galay Kuliyaddala Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka baxay July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma, June 2003dii wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horeeyay xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la oran jiray Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbigaas.

Mudadii uu wasiirku joogay dalka Ingiriiska Wuxuu ka soo shaqeeyay adeegga dadwaynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha socdaalka (immigration), sidoo kalana wuxuu kaaliye ka noqday cilmi-baaris mug wayn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waawayn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee UK, Isla xiliyadaasna 2003-2005 Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jiray jariirad la oran jiray Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, wuxuuna Internetka iyo wargaysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah u soo bixi jiray oo cinwaankoodu ahaa Badwaynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London),Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii waynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxuuna noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayay hoggaaminta Xisbiga Ha noolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horaysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii,Wajigii labaadna wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradaha Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayay sanadihii 2014 iyo 2015,Muddadaas uu ku shaqaynayay wasaaradahaas Prof. Dubbe wuxuu wax ka qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Federaalka iyo kan maamulka Somaliland.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macallin jaamacadeed,Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macallinnimo ku tagay jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu Muxaadooriyin cilmi oo ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University ee Muqdisho.

Wasiir Cismaan Dubbe wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya qaladaadkii siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Md. Dubbe hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Bare-Sare Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020ka Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in aan doorashada 2021 lagu galin Xisbiyo, Md.Cosman Dubbe wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan.Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Fadhiga Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka bilowday Dhageysiga Dacwad qaadista Shabakad ka tirsan Alshabaab gaar ahaan…

Wararka
November 7, 2019

Maraykanka oo ciidamadiisa kala baxaya Afganistaan

Kapul-(SONNA)- Dowladda Maraykanka ayaa bilaabay inuu ciidammadiisa kala baxo Afghanistan, tan oo qayb ka ah heshiish at Taliban la galeen,…

CaalamkaGudahaWararkaWargayska
March 10, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday Rabat dhiggiisa Marooko

Rabat(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaada Rabat, Mudane Nasser Bourita, Wasiirka…

GudahaWararka
November 29, 2025

Shirka arrimaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo

Shirka arrimaha Maaliyadda oo u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ayaa maanta…

Wararka
December 21, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023