Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska
GudahaWararka

Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 24, 2020
5 Min Read
Share

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sare wuxuu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare, dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho,Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho,dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii sokeeye dartii uma suurta gelin inuu bilaabo,

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa Saxafi iyo Tafatire ka hawl-gala wargaysyada ka soo baxa maamulka Somaliland,October 1998kii ayuu galay Kuliyaddala Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka baxay July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma, June 2003dii wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horeeyay xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la oran jiray Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbigaas.

Mudadii uu wasiirku joogay dalka Ingiriiska Wuxuu ka soo shaqeeyay adeegga dadwaynaha (Community Work), iyo laโ€™ taliye sharci, gaar ahaan arimaha socdaalka (immigration), sidoo kalana wuxuu kaaliye ka noqday cilmi-baaris mug wayn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waawayn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee UK, Isla xiliyadaasna 2003-2005 Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jiray jariirad la oran jiray Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, wuxuuna Internetka iyo wargaysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah u soo bixi jiray oo cinwaankoodu ahaa Badwaynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London),Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow kaโ€™ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii waynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxuuna noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayay hoggaaminta Xisbiga Ha noolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hayโ€™adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horaysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii,Wajigii labaadna wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradaha Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayay sanadihii 2014 iyo 2015,Muddadaas uu ku shaqaynayay wasaaradahaas Prof. Dubbe wuxuu wax ka qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Federaalka iyo kan maamulka Somaliland.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macallin jaamacadeed,Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macallinnimo ku tagay jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu Muxaadooriyin cilmi oo ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University ee Muqdisho.

Wasiir Cismaan Dubbe wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya qaladaadkii siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Md. Dubbe hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Bare-Sare Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020ka Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in aan doorashada 2021 lagu galin Xisbiyo, Md.Cosman Dubbe wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan.Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Dalka Iran

Ciidamada Israa'iil ayaa weerarro ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla dalka Iran, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku sheegeen…

Caalamka
October 26, 2024

NISA oo gacanta ku soo dhigtay Muxiyadiin Daqare oo ahaa gacanyaraha horjooge Axmed Diiriye

Muqdisho (SONNA):- Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare)…

GudahaWararka
February 3, 2024

Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in uu is-casilo R/wasaaraha oo Malta ka socda

Kumanaan ruux oo ashtakoonaya ayaa isugu soo baxay ana hareeyay dhismaha Baarlamaanka dalka malta oo ku yaalla magaalada Valetta ย ,kuwaas…

CaalamkaWararka
December 3, 2019

Xarunta urur goboleedka IGAD u qaabilsan saadaasha hawada oo bilowday isticmaalka afka Soomaaliga

Nairobi (SONNA): ICPAC oo soo saarta saadaasha iyo ka digista khataraha xagga cilimada ah ayaa bilowday inay fariimaheeda ku qorto…

GudahaWararka
August 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023