Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo
GudahaWararka

Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 16, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanna geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda qaranka iyo dhammaan haldoorka Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee, Axmed Siilaanyo ayaa ahaaย siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo horay ula soo shaqeeyay marxuumka ayaa ka warbixiyayย  taariikh nololeedkiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Inaa Lilaahi, waa inaa Ileyhi Raajicuun, halkaan waxaan tacsi uga dirayaa dhamaan Qoyska Ehelka Qaraabada ummadda reer Soomaaliland iyo guud ahaan Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan geerida madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waa geeri aad u naxdin badan, aad uma xannuunsan, runtii 2017kii ayuu shaqada ka tegay gurigiisa ayuu iskaga qaadanayay nasiino, labo habeen buu yara xannuunsaday ka bacdina xalay bey tiisii noqotay, waana sunaha nolosha cid waareysa ma jirto, tanina waa ka sii naxdin badan tahayoo nin sidaa u weyn oo saamynt taariikhba leh ayuu ahaa,”. ayuu yiri Senator Dubbe.

Senator Dubbe, ayaa sheegay in Siilaanyo uu ku dashay howdka magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii, 1936, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka kariimka ah, ka dibna, wuxuu u baxay magaalada Seylac oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa Maaddiga Dugsiga Camuud, ka dibna, uu Sheekh kaga sii gudbay.

Sida Senatorku sheegay Sannadkii, 1958-kii ayuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, halkaas oo uu digriiga koowaad cilmiga dhaqaalaha ka diyaariyay Jaamacadda (Manchester University),1950-kii, ayuu digrigii labaad qaatay, 1965, ayuu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka shaqo bilaabay Bankiga Dhexe, ka dibna, wasaaraddii qorsheynta ayuu u wareegay, waxaana laga dhigay agaasimaha qorsheynta iyo horumarinta, isla wasaaraddaas ayuu ka noqday agaasimahada guud ilaa markii dambe oo Dowladdii Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre dalka la wareegtay uu ka mid noqday golihii wasiirada ee xukuumaddaas oo uu ka noqday wasiirka qorsheynta.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Senator Dubbe oo ku dheeraaday ka sheekeynta taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu Siilaanyo ayaa tilmaamay in taariikhda marxuumka ay tahay mid ummadeed oo saameyn weyn ku leh dalka iyo dadkaba.

Sannadkii 1982-kii ayuu ka tegay shaqadii qaranka, isagoo aaday dalka Ingiriiska, halkaas oo uu kaga biiray ururkii SNM, wuxuuna 1984-kii noqday hoggaamiyii ururkaas, halkaas oo ay kaga bilaabatay olole kale oo siyaasadeed.

2010-kii, ayuu doorasho kaga adkaatay Daahir Riyaale Kaahin ku noqday madaxweynaha Soomaaliland, Sannadkii 2017 ayuu Siilaanyo xilka ka degay, wuxuuna nasiino ku qaadanayay gurigiisa oo ku yaalo magaalada Hargeysa, xannuun muddo labo habeen uu dareemaya ka dib, ayuu xalay u geeriyooday. Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii hagar la’aaneed uu geliyay horumarinta iyo dib-u-dhiska dowladnimada iyo xirfaddiisii maamulka iyo maareynta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah xalay u shaaciyay geerida AUN madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanna marxuumka la aasi doona maalinta isniinta ee soo socota.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay taliyihii degmadda Hilwa

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Hilwaa, kabtan Police ka tirsan…

GudahaWararka
April 6, 2024

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xilalka u kala wareejiyay Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga iyo Taliskii hore

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed…

GudahaWararka
June 24, 2023

Ra’iisul Wasaare Khayre โ€œWaa in dib u habeyn lagu sameeyaa caddaaladda Dalka โ€œ

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudaneย Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyay in loo haabanyahay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka caddaaladda…

Wararka
February 22, 2020

Madaxweyne Donald Trump oo dib ugu laabtay ololahiisa doorashada.

Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay magaalada Sanford ee gobolka Florida, wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay oo qeyb ka ah…

Wararka
October 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023