Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo
GudahaWararka

Taariikh nololeedka Alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 16, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanna geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda qaranka iyo dhammaan haldoorka Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee, Axmed Siilaanyo ayaa ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Senator Cusmaan Abokor Dubbe oo horay ula soo shaqeeyay marxuumka ayaa ka warbixiyay  taariikh nololeedkiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Inaa Lilaahi, waa inaa Ileyhi Raajicuun, halkaan waxaan tacsi uga dirayaa dhamaan Qoyska Ehelka Qaraabada ummadda reer Soomaaliland iyo guud ahaan Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan geerida madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waa geeri aad u naxdin badan, aad uma xannuunsan, runtii 2017kii ayuu shaqada ka tegay gurigiisa ayuu iskaga qaadanayay nasiino, labo habeen buu yara xannuunsaday ka bacdina xalay bey tiisii noqotay, waana sunaha nolosha cid waareysa ma jirto, tanina waa ka sii naxdin badan tahayoo nin sidaa u weyn oo saamynt taariikhba leh ayuu ahaa,”. ayuu yiri Senator Dubbe.

Senator Dubbe, ayaa sheegay in Siilaanyo uu ku dashay howdka magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii, 1936, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka kariimka ah, ka dibna, wuxuu u baxay magaalada Seylac oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa Maaddiga Dugsiga Camuud, ka dibna, uu Sheekh kaga sii gudbay.

Sida Senatorku sheegay Sannadkii, 1958-kii ayuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, halkaas oo uu digriiga koowaad cilmiga dhaqaalaha ka diyaariyay Jaamacadda (Manchester University),1950-kii, ayuu digrigii labaad qaatay, 1965, ayuu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka shaqo bilaabay Bankiga Dhexe, ka dibna, wasaaraddii qorsheynta ayuu u wareegay, waxaana laga dhigay agaasimaha qorsheynta iyo horumarinta, isla wasaaraddaas ayuu ka noqday agaasimahada guud ilaa markii dambe oo Dowladdii Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre dalka la wareegtay uu ka mid noqday golihii wasiirada ee xukuumaddaas oo uu ka noqday wasiirka qorsheynta.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Senator Dubbe oo ku dheeraaday ka sheekeynta taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu Siilaanyo ayaa tilmaamay in taariikhda marxuumka ay tahay mid ummadeed oo saameyn weyn ku leh dalka iyo dadkaba.

Sannadkii 1982-kii ayuu ka tegay shaqadii qaranka, isagoo aaday dalka Ingiriiska, halkaas oo uu kaga biiray ururkii SNM, wuxuuna 1984-kii noqday hoggaamiyii ururkaas, halkaas oo ay kaga bilaabatay olole kale oo siyaasadeed.

2010-kii, ayuu doorasho kaga adkaatay Daahir Riyaale Kaahin ku noqday madaxweynaha Soomaaliland, Sannadkii 2017 ayuu Siilaanyo xilka ka degay, wuxuuna nasiino ku qaadanayay gurigiisa oo ku yaalo magaalada Hargeysa, xannuun muddo labo habeen uu dareemaya ka dib, ayuu xalay u geeriyooday. Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii hagar la’aaneed uu geliyay horumarinta iyo dib-u-dhiska dowladnimada iyo xirfaddiisii maamulka iyo maareynta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah xalay u shaaciyay geerida AUN madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanna marxuumka la aasi doona maalinta isniinta ee soo socota.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo soo gaaray Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)- AMISOM ayaa sheegtay in ciidan cusub oo boolis ah kuwaas oo ka yimi dalka Ghana ay Muqdisho soo…

Wararka
November 4, 2020

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Caad (SONNA):- Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay xogta rasmiga ah…

GudahaWararka
December 26, 2023

Masuuliyiin ka tirsan golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

 Gaalkacyo-(SONNA)- Wafdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan maamul-goboleedka G/Mudug ayaa manta oo Axad ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee…

GudahaWararka
September 6, 2020

Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay liiska shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah…

GudahaWararka
November 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023