Warbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Taliban ay wadaan baaritaanno lagu sameynayo guryaha oo la doonayo in waxyeello loogu geysto dadkii la soo shaqeeyay Mareykanka iyo ciidamada NATO.
Warbixinta qarsoodiga ah oo la siiyay Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in Taalibaan ay hayaan liisaska shaqsiyaad ay rabaan inay xiraan ama dilaan,kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay la howlgaleen ciidamadii ka socday Mareykanka iyo NAATO.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Taalibaan ay ku dhaqaaqaan xasuuq dad rayid ah,ka rayid ah,waxayna ku taliyeen in la oofiyo ballanqaadkii Taalibaan ee la xiriiray in la nabadgeliyo dadka Afganistaan ee la soo shaqeeyay ciidamada caalamiga ah .
Dhowaan, laba qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen Asadabad, kadib markii dad badan ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u xusaan maalinta xorriyadda Afghanistan ,waxaana rasaas la beegsaday Taliban.