Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taageerada Dowladda ee la dagaalanka Shabaab oo soo kordhaya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taageerada Dowladda ee la dagaalanka Shabaab oo soo kordhaya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Taageerada Dowladda ee la dagaalanka Shabaab oo soo kordhaya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 2, 2023
8 Min Read
Share

Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo badanayay taageerada iyo is bar-bartaagga dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna kuwii ugu dambeeyay ay naga soo gaareen Madaxweynayaashii hore, Raiisul-waarayaal hore iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. โ€œWaxaan taageerayaa oo xoojinayaa fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka. Waxaa hubaal ah in khawaarijtu markay nafta u yaabaan isticimaalaan keydkooda u dambeeya (their last resources) oo noqon kara dad waaweyn oo aanad ka filayn oo si toos ah ama si dadban ugu shaqeynaya khawaarijta sida Siyaasiyiin, Ganacsato, dhaqan, Saraakiil ama Weriyayaal ay si uun fara uga hayaan ama dano ka baabiโ€™in karaan ama mabaadiidooda aaminsan ama sidii horeba u dhici jirtay siyaasi damac liita oo is leh yaan Teamka xilka hadda hayaa siyaasad ahaan kugu gaadhin meel aanad kula tartami karinโ€, sidaasi waxaa boggisa Barta Bulshada ku soo qoray Wasiir hore, haatanna ah Xildhibaan Golaha Shacabka Maxamed Cabdi xayir Maareeye.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yieri:- โ€œMararka qaar waxaa khawaarijta gacan siiya dawlado shisheeye ama dad ajnebi ah oo aan Soomaali wanaag la doonayn, Hayโ€™adaha Amniga ayaa laga doonayaa in ay ka dabatagaan oo soo qabtaan Khawaarijta Qarsoon iyagoo iska ilaalinaya in ay ku xadgudbaan qof aan dembi lahayn, sidoo kalena waa in Ciidamada laga dhex sameeyaa Internal Intelligence Unit urur kasta ku dhexjira. Cidhibtirka khawaarijta waxaa ku xidhan jiritaankeena waar yaan la siyaasadeynin ama mashruuceyninโ€.

R/wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Warbaahinta la hadlay ayaa isna ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.โ€horay dalku uma socon karo haddii aan la soo afjarin khawaarijta,sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in shacabka ay sii wadaan taageerada ku aadan dagaalka looga horjeedo khawaarijtaโ€ayuu yiri R/wasaarihii hore .

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta Ummadda, waxaana waajib ah ayuu yiri in loo midoobo dagaalka lagu xoreynayo dalka. โ€œin la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka,sidaa aawadeed,waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdoodaโ€, ayuu yiri R/wasaarihii hore ee dalka.

R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ahna Senator ka tirsan Aqaka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo Madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka kooxaha nabad-diidka khawaarijta ee weli ku sugan qeybo yar oo dalka ah. โ€œKhawaarijtu waa dhibaato hortaagan Shacabka, waxaana loo baahan yahay in cududda la isugu geeyo ciribtirka haraaga kooxaha argagixisadaโ€, ayuu yiri R/wasaare ku xigeenkii hore

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku taliyay in aan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga, isagoo intaa raaciyay in la joogo maalintii loo midoobi lahaa dhameystirka kooxahaasi iyo ciribtirka Argagixisada, waxa uuna soo jeediyay in Shacabka ay isbarbar taagaan ciidanka iyo Madaxda dalka, isla markaana si wadajir ah loo wajaho dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta, isagoo ugu dambeyntiina boogaadiyay ciidamada iyo Madaxda dalka oo ka dhabeeyay in lala dagaalamo kooxaha nabad-diidka ah, islamarkaana laga sifeeyo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heerkii ugu dambeeyay uu ka gaaray Waxbarashada ee ah PHD holder, islamarkaana ah Bare Jaamacaceed, laba jeerna Dalka ka noqday Madaxweyne, isagoona xusay inuu rabo oo kaliya inuu dalku gaaro horumar la mid ah kuwa caalamka ka jira, “Waxaan ahay Oday 70-jir ah, waqti badan oo aan xukun ku sii joogo iima harin, waxaan maanta rabaa oo kaliya Soomaaliya oo cagaheeda isku taagto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ย oo ย xalay ka qeybgalay kulanka Twitter Space, ayaa ku nuux nuuxsaday waxa uu ka rabo mustaqbalka Soomaaliya ayaa yiri:- ย โ€œSoomaaliya sida Singapore, Malaysia, iyo Dubai ah kama tagayo laakiin waxaan rabaa inan ka tago Soomaaliya xorย  ka ah Shabab oo waddada horumarka iyo dimuqradiyada cagta saartayโ€, hadalkaasi ayaa ah mid weyn oo Nin siyaasi ah oo wax bartay ku hadlo, waxa uuna muujiyay inuu Dalka uu ku hayo laxaw ama u turid, doonayana inay Soomaaliya la mid noqoto kuwa caalamka ka jira ee la tartami karta wadamada dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan horumarsan, islamarkaana nabad ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Argagixisada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Khawaarijta ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka, islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

โ€ Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhulka,ย  meeshaasi ayaaa ka bilownay, meel wanaagsan ayuunna marayaa, Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaaโ€, ayuu yiri:- Madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaanno iyo Masuuliyiin mar walba garab taagan ciidankooda oo la qeybsaday dhib iyo neefba, waxaana ka mid ah Mudane ku dayasho mudan, kaasi waa kuma?, waa ย Senator Axmed Maxamed Cali โ€œAfcadeeyโ€, waa Senator ilaa maalintii uu bilowday dagaalka lagula jiroย  Ciribtirka Khawaarijta, ย ilaa haatan waxa uu ku sugan yahay jiidda hore ee dagaalka, isagoo dhiiri-galin iyo garab istaag la barbar taagan Ciidamada Qalabka Sidaย  iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda.

Haddaan wax ka taataabanno Deegaanka Cowsweyne iyo wixii ka dhacay ama aan dib u jaleecno, ciidankeenna ka dagaalamay halkaasi, waxay cashar ay ilaa hadda ka soo kaban la’yihiin u geeysteen Khawaarijtii ku soo gardartootay. tiro Saddex boqol oo Khawaarij ah ku dhow ayaa halkaas goob looga laayay, markii ay goobta ka dhaqaaqeenna duqeyn ayaa lala beegsaday, waxaana lagu gubay dhammaan gaadiidkii ay wateen.

Maalin kadib weerar Cowsweyne oo Axaddii ku aadaneeyd dhaawicii Khawaarijta oo ay deegaanka Darri geeyeen duqeyn ayaa lala beegsaday waxaa lagu gubay dhammaan wixii dhaawac goobta oo labo guri ah yaallay, waxaa kaloo jirta in dhawaaca Khawaarijta ay sii dhameystirayeen. Ilaa maanta oo ay Asbuuc ka soo wareegtay dhammaan deegaannadii ciidanku ka soo baxeen ma jiro hal Maleeshiyo Khawaarij ah oo tegay goobahaasi, sababtuna waa ciidan la’aan ba’an oo cadowgu la il daran yahay, marka maanta ย waxaan dhihi karnaa Cowsweyne wuxuu Khawaarijta u ahaa Naar inta aanay Aakhiro la gaarin adduunyada lagu tusay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Muqdisho-SONNA)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ย xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in si degdeg…

GudahaWararka
February 7, 2023

Taliyaha CXD oo abaalmariyay Geesiyaashii Fashiliyay Weerarkii Ceeldheer

Muqdisho,(SONNA):- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad…

GudahaWararka
September 13, 2025

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2-aad oo ka qeybgalay daah furka bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada

Muqdisho(SONNA): โ€“ Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb-galay…

GudahaWararka
February 17, 2025

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii dhowaan ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday…

GudahaWararka
June 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023