Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)
GudahaWararka

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

By SB
Last updated: April 20, 2024
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.
Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa sida ay Kooxda G7 sida ay u qirireen horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. “Waxaa naga go’an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey’adaheena. Sida habsamida leh ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan. Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Dhinca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa maamulka ka arrimiya Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” ka soo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu xusay bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay u heellan tahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlan tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale”, ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Soomaaliya ay soo saartay ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykanka iyo Ergeyga Midowga Yurub oo horayba walaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada, waxay kaloo bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi. “Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo ka mid ah dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka ah, isla markaana la sameeyo wada xaajood siyaasadeed, si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia, iyadoo uu ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaasi oo halis ugu jiro inay u dhintaan maacluusha ka jirta dalkaasi ay colaadaha ka socdaan.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale Wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan horumarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka Wadanka.

Dowladahaan iyo kuwa kale iyo Ururada Caalamiga ayaa horey ugu muujiyay Soomaaliya taageero badan oo ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin madax banaanidda dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, ayna tahay mid muqadas ah in la dhowro, sida ku cad xeerarka Caalamka. Muranka ayaa yimid kadib markii ay Maamulka Addis Ababa ay Is-afgarad beeneed la galeen Muusi Biixi, 1dii bishii Janaayo ee sanadkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr mar ku celcelisay hannaanka loo marayo wadahadal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ah in nmarka hore uu Abiy Axmed uu la laabto Is-afgarad beenaadka la sheegay, taasi oo loo micneyn karo, kadib ayay isugu imaan karaan wadahadal dhex mara labada Dowladood, taasi oo uu ka meermeerayo Maamulka Addis Ababa.
By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha 

Muqdisho-(SONNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa waxaa maanta ka billaabatay diiwaangalinta codbixiyaasha golaha…

GudahaWararka
April 19, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay…

Wararka
March 4, 2021

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XfS oo dhiirrigaliyay howlwadeennada Caafimaadka ee Isbitaalka Martiini

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sadik Warfa ayaa maanta booqday isbitaalka Martini oo loo asteeyay in…

Wararka
May 2, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay xubnon ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka

Jowhar (SONNA): Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa maanta soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee…

GudahaWararka
January 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023