Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha
Wararka

Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha

By Kulane
Last updated: October 15, 2020
4 Min Read
Share

wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalaka daneeya arimaha Dalka Soomaaliya, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaajinta dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Hadaladaan ka soo yeeray wakiilada saaxiibada muhiimka la ah Soomaaliya ayaa yimid xilli ay Booqasho ku tageen Magaalada Beydhabo oo xarun ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Waxaa na dhiirri-gelinayaa dib u soo nooleynta wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb bilihii la soo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis uga mahadcelineynaa hoggaamintiisa ku aadaneyd marxalado badan ee geedi socodkan,” ayuu raaciyay, isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo kooban oo uu ku qabtay caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo kadib kulan kooxeed uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen.’

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa socdaal ku tagay magaalada Baydhabo, isaga oo ay weheliyaan Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Urur-goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Mudane Swan wuxuu hadalkiisa ku sheegay in natiijooyinka shirarkii Dhuusomareeb iyo Muqdisho ay muujiyeen waxa la gaari karo marka madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadaan si is afgarad iyo wada shaqeyn leh.

Waxaan ku boorineynaa madaxda inay sii wadaan diyaar garowga loogu jiro doorashooyinka qaranka si ay u noqdaan kuwo ku saleysan daahfurnaan, cadaalad iyo u wada dhammaansho," ayaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Tani waxay khuseysaa dhammaan dhinacyada geeddi-socodka doorashooyinka, sida sameynta guddiyada doorashooyinka madax-bannaan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Mudane Swan ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho wada shaqayn dhow si loo xaqiijiyo amniga doorashooyinka, wuxuuna garwaaqsaday dadaalada maamulka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aadan arrintan, inkastoo ay jirto khatarta joogtada ah ee Al Shabaab.

Saaxiibada ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey madaxda Soomaaliya inay iskaashigooda sii ballaadhiyaan dhinacyada kale, sida dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka kale ee gacan ka geysan kara horumarinta arrimaha hortabinta u leh qaranka, dib-u-habeynta dimuqraadiyadda iyo xorriyadaha asaasiga ah, sida xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.

Kuwani dhammaantood waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah nidaam dimoqraadiga ah ee nool oo u oggolaanaya in la maqlo codadka Soomaalida ayuu yiri Md. Swan, isaga oo intaa ku daray in Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo QM ay sii wadi doonaan garab istaagga shacabka Koonfur Galbeed iyagoo dhisanaya mustaqbal wanaagsan.

Dhanka dhaqaalaha, saaxiibada beesha caalamka ayaa qiray saameynta ba’an ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo sida uu u curyaamiyay kobaca dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhimadda ay ururinta dakhliga iyo maamul wanaagga u leeyihiin mustaqbalka horumarka

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo duqeymo xagga cirka ah la beegsaday kooxda Taalibaan

Mareykanka ayaa qaaday duqeyn dhanka cirka oo lagu beegsaday dagaalyahnada Taliban.kaas oo ka dhacay gobolka koofurta Afghanistan ee Jelmand, Saraakiisha…

Wararka
October 13, 2020

Madaxweynaha JFS iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo yeeshay xiriir khadka ah ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal.

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud  oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka,…

GudahaWararka
June 1, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay xafladda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta koofur galbeed

Baydhabo(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Xiritaanka…

GudahaWararka
February 6, 2023

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Madax ka socotay Gaadiidka Badda ee Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda…

Gudaha
September 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023