Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo xoojinaysa maalgashiga dalxiiska iyo kordhinta goobaha dalxiiska + sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo xoojinaysa maalgashiga dalxiiska iyo kordhinta goobaha dalxiiska + sawirro
GanacsigaGudahaWararka

Soomaaliya oo xoojinaysa maalgashiga dalxiiska iyo kordhinta goobaha dalxiiska + sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 14, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda xil gaarsiinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta dalxiiska Soomaaliyeed iyo astaynta goobaha dalxiiska dalka ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe baaxad leh oo sare loogu qaadayo kaabayaasha dalxiiska dalka, si sare loogu qaado dakhliga dalka ka soo galaya.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobaha qurxoon ee loo dalxiis tagi karo” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa gobollada dalka iyo degmooyinka ku tartansiiyey sida ay wax uga qabtaan horumarinta dalxiiska, taas oo ay dawladda Soomaaliya ku abaal marin doonto, iyadoo sidoo kale wasaaraddu ay samaynayso hab Online ah oo lagu diiwaan galiyo goobaha dalxiiska iyo Hoteellada loo tamashle tago, si dadka dibadda ka imaanayaa ay si sahlan ula soo xiriiraan.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbedel, iyadoo sanadkii sedexaad oo xiriir ah xoogga laga saarayo sidii loo soo nooleyn lahaa daxliiska dalka, taas oo ay ka dhalan karaan koboc dhaqaale iyo shaqo abuur.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-cadaala oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in maanta la garanayo goobaha loo asteeyey dalxiiska dalka, taas oo muujinaysa sida shaqo culus looga qabtay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire Falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare uqaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Falagle.

Wakiillada ka socday dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir, shirkadaha duulimaadyada iyo Bankiyada ayaa bogaadiyey inuu jiro hanaan isku xiran oo lagu horumarinayo dalxiiska Soomaaliya, iyadoo la garowsanyahay sida dalxiisku uu maanta caalamka uga noqday il dhaqaale oo wayn, Soomaaliyana ay leedahay fursado muhiim ah oo ay ku soo jiidan karto dalxiisayaal badan sanad kasta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sii hayaha wasiirka shaqada oo kormeeray sida shacabka Bakool uga faa’iidaysanayaan barnaamijak Baxnaano

Xudur (SONNA)-Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeer ku tagaya…

Wararka
September 20, 2020

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Laascaanood(SONNA):-Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod,…

GudahaWararka
August 23, 2025

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya

Nairobi, Kenya:-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka…

GudahaWararka
July 14, 2025

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Madiina (SONNA):-Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee Magaalada…

GudahaWararka
May 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023