Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo tallaabo kale u qaaday geedi-socodka deyn cafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya oo tallaabo kale u qaaday geedi-socodka deyn cafinta
Wararka

Soomaaliya oo tallaabo kale u qaaday geedi-socodka deyn cafinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 24, 2020
4 Min Read
Share

Washington (SONNA)-Warbixintan ay soo saartay Hey’adaha Lacagta Adduunka ayay ku sheegtay in kooxda Wadahadalka deyncafinta Soomaaliya ee Hey’adda ay heshiis looga gudbayo wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameytirka deyn dhaafka la gaareen madaxda Soomaaliya, kaasi oo socday inta u dhexeysa  September 12—22, 2020, waxaana kooxda ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), hoggaaminaysay Allison Holland, iyadoo uu ku saabsanaa dib-u-eegistii ugu horreysay ee barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto (ECF).

Gabagabadii howlgalka, ayay Ms. Holland waxay soo saartay bayaankan:

“Intii lagu gudajiray nuskii hore ee sanadka 2020, Soomaaliya waxaa soo foodsaarey dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso daadad, Ayax iyo cudurka safmarka ah ee adduunka saameynta ku yeeshay ee Coronavirus. Kuwani waxay sii xoojiyeen caqabadaha bani’aadamnimada, waxayna saameyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka iyo awoodda dowladda ee ah inay isu keento dakhliga gudaha”.

Warbixinta ayaa lagu yiri “Mas’uuliyiinta Dowladda waxay qaadeen tillaabooyin dhowr ah si loo yareeyo saameynta ay ku reebtay dhibaatooyinkaas dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha. Dadaalladan waxaa horseeday taageero muhiim ah oo ka timid beesha caalamka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in si ku-meel-gaar ah loo dhaafay canshuuraha qaar ka mid ah badeecooyinka aas aasiga ah oo ay cuntada ugu horeyso; soo bandhigidda nidaamka xawilaadda lacagta ee loogu talagalay kuwa ugu nugul, Barnaamijka Baxnaano iyo daahfurka xarun amaah ah, Gargaara, oo loogu talagalay shirkadaha yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah, si sare loogu qaado dhakhliga gudaha”.

Howlwadeenada ka socotay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa kulamo gaar gaar la qaatay Wasiirada Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac, Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Boostada Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Guddoomiyaha Bankigaga Dhexe mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo ay uga mahadceliyeen kaalinta wada shaqeyn ee ay ka qaataan hannaanka dib-u-eegidda Barnaamijka ‘ECF’ oo ay Soomaaliya uga gudubtay wajigiisii 1aad.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda lacaggta adduunka waxa ay Soomaaliya ku amaantay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista deyn cafinta xili lagu jiray marxalad adag oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo sababay hoos u dhac dhaqaale.

Dhanka kale Sii-hayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hey’adaha lacagta adduunka (IMF) waxaana uu sharxay sida ay u dhaceen waadahadaladii u dambeeyay.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in tani ay muujinayso dadaalka dowladda ee ka guul gaariska wadahdalka, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha iyo hey’adaha dowladda kaalinta ay ka qaateen arrintan..

Bishii Maarso ee sanadkan ayay Hey’adaha dhaqaalaha ee caalamka waxay qireen in Soomaaliya ay mudan tahay in deymaha laga cafiyo kaddib markii ay ka gudubtay shuruudihii ku xirnaa wadahadalka wajigiisa hore ee soo socday sanooyinkii la soo dhaafay, waxaana ay ku timid kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka oo ay garwadeyn ka aheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo war murtiyeed laga soo saaray

Muqdisho(SONNA):-War murtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo ka socday Shantii Maalmood ee lasoo dhaafay magaaladda Muqdisho. Halkan hoose ka…

GudahaWararka
March 17, 2023

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgalo balaaran waxay ay kawadaan maanta deegaanka Bacaadweyne…

GudahaWararka
February 21, 2023

Guddiga Dooorashooyinka Qaranka oo soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan Doorashooyinka K/Galbeed

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska…

GudahaWararka
April 27, 2026

Madaxa AUSSOM oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho(SONNA);-Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine , ayaa soo dhaweeyay dib u soo…

GudahaWararka
January 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023