Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 4, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Mareykanka ayaa kordhinaya kaalmada milateri ee uu siiyo Soomaaliya xilli uu dalku guul u arko in uu la dagaallamayo waxa uu Mareykanku ugu yeeray “shabakadda Al-Qaacida ee ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, A USAF C-17 ayaa dhawaan ka soo degtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyadoo soo gaarsiisay dhowr boqol kun xabo oo ah rasaasta fudud ee Ruushka lagu sameeyo oo ay adeegsadaan guutada Danab ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Doladda Mareykanka bayaan ay soo saaray ku sheegay in uu ku taageerayo duulaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay hogaamineyso ee ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab, kaasi oo dib u qabsaday deegaanno tan iyo bishii Agoosto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab ayay kala wareegtay Dowladda Maarkanka, iyadoo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay , Mr; Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah khawaarijta, iyadoo Dhanka kalena, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage uu taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka khawaarijta, wuxuuna xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Dhinaca kale WARSAXAAFADEED aya soo saareen Ururka Midowga Yurub EU ayaa lagu sheegay in Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya: Goluhu wuxuu ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Xarunta Nabadda Yurub ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Guddiga Siyaasadda iyo Amniga (PSC) ayaa ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo ee qaybta militariga ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxayna Labadaasi ficilba ay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan ​​wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ATMIS-ka ee SNA, iyadoo u oggolaanaysa kuwa hore inay gutaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda kuwa dambe.

Miidowga Yurub wuxuu ku dari doonaa 85 milyan oo Yuuro agabkii hore loogu abaabulay ATMIS ee 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu talagalay SNA. ATMIS, Muddadii u dhaxaysay 1-da Luulyo 2021 – 31 Diseembar 2022, taageeradii hore ee EPF waxay gaaraysay €185 milyan. Ciidanka XDS, iyadoo Taageeradii hore ee SNA ee hoos timaada EPF ay la ansixiyay Noofambar 2021, waxayna gaaraysaa €20 milyan. waa ka ugu badan ee sida tooska ah wax ugu tabaruca ATMIS wadar ahaan lacag dhan €2.4 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii ahaado xiriir dhow oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto hawlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha la gaaray ilaa hadda. isku dubaridka iyo hawlgelinta wadajirka ah ee Midowga Yurub si loo taageero amniga iyo nabadda Soomaaliya, iyo guud ahaan Geeska Afrika, waxaana si gaar ah loogu lamaanay taageero karti-dhis ah oo la siinayo XDS, iyadoo ujeedadu tahay in la ogolaado xil wareejinta mas’uuliyadda amniga. Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya ee arrintan la xiriira waa mid waafaqsan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee khuseeya iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Taageerada qaybta milatariga ee ATMIS iyo SNA waxa lagu maalgeliyaa Cabbirka Caawimada ee lagu taageerayo Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Afrikaanku hormuudka ka tahay qiimihiisu yahay €600 milyan ee hoos yimaada EPF oo daboolaya muddada 2022-2024-ka.

Dhinaca kale Dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay u dirayaan in ka badan 30,000 oo Askari oo dheeraad ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, taasi oo  lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna Waddamada deriska la ah Soomaaliya oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa la sheegay inay ballan qaadeen inay u dirayaan in ka badan 30,000 oo askari oo ka baxsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo dhinaca ammaanka ah, waxaa kaloo jirta in seddexdaasi dal ayaa sidoo kale la sheegay in ay bixin doonaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan ciidamada.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka, ayaa VOA u sheegay Khamiistii in ciidamada ay imaan karaan bisha May. Ciidaankaasi oo wata hubka culus oo ay ka mid yihiin Madaafiicda goobta iyo Taangiyo.

Horaantii bishan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda seddexda dal ku martigeliyay shir-madaxeedka arrimaha difaaca, kaa soo ay isku raaceen in la sameeyo hawlgal “baarid iyo burburin”. Sare u kaca ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee wejiga labaad ee howlgallada milateri ee Soomaaliya.

ATMIS waxay leedahay dalal ay ciidamo ka joogaan Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, iyadoo askar iyo shaqaale taageero la geeyay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo Tirada guud ee askarta howlgalka ka qeyb qaadatay ayaa gaareysa 18,586.

By C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga Nayroobi…

GudahaWararka
April 19, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku…

GudahaWararka
May 19, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Iyo Xalinta Khilaafaadka

SONNA (MUQDISHO)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole…

GudahaWararka
June 19, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Istanbul(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan…

GudahaWararka
April 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023