Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 15, 2023
6 Min Read
Share

Dowladaha Dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay Magaalada Ankara ee Xaruunta Dalka turkiye, waxaana sidaasi caddeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka Türkiye, kaasi oo  sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen Dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba Taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ka socda dalka ee uu  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in Dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Shabaabka.

Shirkaasi oo ka dhacay Magaalada Madaxda Dalka turkiye ee Ankara ayaa Madaxdii ka qeybgashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay Xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaabka iyo ka  ciribtirkooda ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.

Mar haddii loo helay taageero heer caalami ah dagaalka xooggan ee lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa waxaa la dhihi katraa waxaa soo dhawaaday dhammaadka kooxda maleeshiyaadka ah ee Shabaabka, taasina waxaa caddeyn u ah mar   haddiiba dowladihii waaweynaa ay xoog u taageereen dadaalka ay dowladdu ugu jirto ciribtirka Kooxaha xag jirka ah ee ku dhuumaaleyta gudaha Dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya oo ka hadlaayay  howlgallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.

“Kalluunku wuxuu ku noolaan yahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kalluunku ku nool yahay laga daadiyo biyaha, kalluunka kuma noolaan karo, Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhax nool yihiin waa shacabka, maantana Allah mahaddii Shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheyn kuwo ay sii xambaarsanaan karaan, wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

”Cadowgii na xasuuqay Oktoober 14-keedii naguna xasuuqay magaalo kasta, oo Soomaaliya ku taal iyo Hoteel kasta iyo Isgoys kasta ee ku yaal Muqdisho, wali way u soo malabsanayaan sii daadinta dhigga Dadaka Soomaaliyeed ee qaaliga ah, haddii ay fursad kale helayaanna gumaadkaasi oo ka xanun badan ayay weli nala maagan yihiin, nasiib wanaag Maanta halistu way ka yar tahay, balse ma aysan dhammaan”, ayuu yiri Mudane xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad uu kaga hadlay 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo iyo kaalinta Ciidanka XDS, Culumada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalka Khawaarijta u jeediyay Xalay Shacabka Soomaaliyeed.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay Khudbadii Jimcihii Masaajidka, ayaa caddeeyey in ay qasab tahay, laguna dhaqmayo Heshiiska Madasha wadatashiga ee ay soo saareen, kuwaasi oo kala ah:-

1- Doorashooyinka D/gobaleedyada ayuu sheegay in ay dhacayso November 2024-ka, ciddii wax ka sokeysana doonaysana ay tahay cid aan Soomaaliya dan u aheynin, siyaasiintaasna ay dalka xalkiisa ka shaqeeyaan.

2- Madaxweyne iyo MW kuxigeen ayuu sheegay in ay qasab tahay oo lameelmarinayo, dalkana ay faa’iidadiisa sidaas tahay, oo Dastuurka bedelayo.

3- Labo xisbi oo kaliya ayuu sheegay in ay muhiim tahay, oo ay jidkaas qaateen, dadka dooda ka qabana ay ku qanciyeen in Soomaaliya aysan u baahneyn nidaam asxaabta badan oo iska furan.

4- 2026-ka ayuu sheegay Madaxweynuhu in doorasho qof  iyo cod ah ay ka dhacayso Soomaaliya, halka June 2024-ka Doorashooyinka hoose la qaban doono, guddigii qaban lahaana la magacaabi doono,  kuwaasi oo ilaa doorasho Madaxtooyo qabanaya.

Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo goobaha dagaalada ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM dhanka Guriceel kaga began degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ay saaka ka hortagay weerar Khawaarijtu ku soo qaadday fariisimaha ciidanka xoogga ay ku leeyihin deegaankaasi, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin uu Wakaaladda Waraka ee SONNA u xaqiijiyey in cadowgu dharbaaxo kulul kala kulmay weerarkii saaka, islamarkaana ay Ciidamadu jabiyeen Khawaarijtii soo duulaan tegay.

Kooxda weerarka soo qaaday ee Khaaaijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay duulaankaasi  ay soo qaadeen, waxaana ay goobta dagaalka uga carareen Meydad badan oo ay haleeshay rasaasta geesiyaasha, Ciidamada ayaana sidii caadiga aheyd ku sugan saldhigyadooda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Japan oo Kala Saxiixday Heshiis Deyn Cafin ah

Nairobi, (SONNA):- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa…

GudahaWararka
November 7, 2024

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo shir Caalami ah kaga qeyb galay Geneva

Geneva-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS , Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 111-aad ee Shirweynaha…

GudahaWararka
June 6, 2023

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan

Muqdisho.(SONNA):- Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro…

GudahaWararka
December 8, 2024

 Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka oo HirShabelle ka fuliyay hawlgal khasaare ballaaran loogu geystay Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Hawlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaalita iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si guul ah looga…

GudahaWararka
March 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023