Muqdisho-(SONNA) Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu taageeray heshiiska nabadeed ee ay wada gaareen Dowladda Suudaanta waqooyi iyo qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka Hubeysan ee Dalkaasi.
Heshiiskan nabadeed oo aan weli la saxiixin ayaa waxaa Magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta koofureed ku wada gaaray Dowladda KMG ah ee Suudaanta Waqooyi iyo Isbahaysiga ugu weyn ee Sudan Revolutionary Front (SRF).
Miiska wada hadallada ayaa la filayaa in ay kusoo biiraan Laba Jabhadood oo ka mid ah mucaaradka Hubeysan, wuxuuna heshiiskani soo Afjarayaa 17 Sano oo colaad sokeeye ah oo halkaasi ka taagnayd.