Muqdisho-(SONNA):-Magaalo madaxda gobolka Bari ee Boosaaso ayaa xalay waxa laga dhoofiyey xoolo gaaraya 150 kun oo neef sida uu xaqiijiyey wasiirka Xanaanadda Xoollaha dowlad gobolleedka Puntland,iyadoo la rejaynayo in maalmahan soo socda laga dhoofiyo tiro gaaraysa ilaa hal milyan oo neef.
Wasiirka ayaa sheegay in sannadkan dalalka xoollaha loo iib geynayo kala yihiin dalalka Sucuudiga,Yemen,Cumaan iyo Imaaraadka Carabta.
Ganacsatadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in sannadkan ay suuq fiican u heleen iibka xoolaha nool,tirada xoollaha la keenayo maxjaradda Berbera ayaa iyaduna sidoo kale korortay.
Ras’iisul wasaaraha XFS ayaa dhowaan daah-furay munaasabad lagu daah-furayey dhoofinta iibka hilibka Xoollaha, munaasabadan ayaa waxa soo agaasimay wasaaradda Xanaannadda xoollaha, wasiirka ayaa sheegay in daddaal dheer oo wasaaraddu samaysay ka dib dowladda Sucuudiga ogolaatay in dalkeeda loo dhoofiyo hilibka xoollaheena.