Ankara-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane; Melvut Cavusoglu oo uu welinayay Danjira Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tukiga, Jamac Cabdullaahi Maxmed Caydiid.
Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen, dhismaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo horny Turkiga u siiyay Soomaaliya in ay Dowladda Turkiga Gacan weyn ka geysato, cusboonaysiinta heshiiska qoondada taageerada caafimaadka ee shaqaalaha Dowladda iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo dhiggiisa Dalka Turkiga, Melvut Cavusoglu ayaa kala saxiixday heshiiskaasi.
Wuxuuna heshiiskaasi ahaa mid si gaar ah ugu dhexeeya Machadka Dibloomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Akademiyada Dibloomaasiga ee Dalka Turkiga oo dhammaantood hoos taga Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Labada Dal.
Wasiir Cawad ayaa u mahad celiyay dhiggiisa Dalka Turkiga iyo Shacabkooda, isagoo u waday Salaan ka timid Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaliya.
Wuxuuna bogaadiyay sida fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay VISA uga helaan Turkiga, taageerada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo qaar ka mid ah Isbitaallada Dalka soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale ka mahad celiyay Wasiirku deeqaha waxbarasho ee uu Sanad walba siiyo Ardayda Soomaaliyeed , taageeridda tooska ah ee miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga .