Muqdisho.(SONNA):- Shir sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika oo labadii maalin ee ugu dambeysay ka socoday magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Shirkan oo ay ka qeyb galayeen dolwdaha xubnaha ka ah Ururka Goballeedka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika(East Africa Association of Prosecutors ) ayaa waxaa maanta si buuxda uga mid noqotay dolwadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliyaย ayaa codsatay 23-February ee sanadkan in ay ku biirto ururka xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika, kaas oo muhiim u ah Soomaaliya.
Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga afrika ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay muhiimadda shirka iyo waxyaabihii looga hadlay.
โWaxaa farxad weyn ii ah codsigii Soomaaliya ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka horay ugu soo gudbiyay Ururka la aqbalay, Soomaaliyana loo aqoonsaday in xubin buuxda ka tahay Ururka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika, xubin-nimada ururka faaโido weyn ayee Dowladda Soomaaliya u leedahay, waxayna ka faaโideysaa isdhaafsiga xogaha la xiriira dadka danbiliyaasha ah ee bariga afrika, tababarada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka danbiyada geesta,โ.
Urur Goballeedka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika oo horay ugu Mideyaanayeen 11 wadan ayaaย hadda waxaa ku biiray Seddax wadan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, iyadoona Dowladda Soomaaliya qeyb ka noqonaysa ururada muhiimka ah ee ka jira gobolka Bariga Afrika.