Mombasa (SONNA): Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee XFS, ayaa maanta loogu doortay magaalada Mombasa ee dalla Kenya Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee urur gobaleedka IGAD (IWPSF).
Wasaaradda Horumarinta Qoysa iyo Xaquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisa dadaalka wadajirka ah ee kooxda hoggaanka cusub, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Ms. Amer Manyok Deng oo u dalatay dalka Kuufurta Suudaan iyo Xoghayaha Hon. Dora Byamukama oo iyana u dhalatay dalka Uganda
Urur gobaleedka IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa waddo daddaalo lagu xoojinayo Amniga iyo Nabbadda gobalka gaar ahaa dalka Sudan, kooxadan ayaa ka shaqeynaysa horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee gobolka.