Muqdisho.(SONNA):- Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.
Golaha ayaaย maanta u codeeyay shanta daย eeย kala ah Soomaaliya,Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama, waxayna wixii maanta ka bilowdo si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,Soomaaliya ayaaย xubin aan joogta ahayn kaย noqtay ย golaha,Iyadoo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dal iyo dibad ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hannashada kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxayna tallaabadan si gaar ah ugu ammaaneen madaxweynaha iyo Raโiisal wasaaraha JFS oo juhdi badan geliyay sidii maalintan taariikhi ah loo xaqiijin lahaa.
Dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii ay kursiga aan joogtada ahayn ay ku heli lahayd,Soomaaliya iyo 4-ta dal ee kala ah Denmark,Greec,Pakistan iyo Panama ayaa waxay badali doonaan kuwii horay ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah ย Mozambique,Switzerland,Malta,Japan iyo Ecuador.