Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 31, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed, hagaajinaya Heykalka Dowladnimo, waxaana ka mid ahaa Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaaladda Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023-ka, laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaana Shirkaan soo xiray Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaa kaloo jira midka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagana ka socda.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee heyโ€™addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan, kaasi oo ah qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood, iyo waxaa kaloo jira in Soomaaliya ay guuli u soo hoyatay kadib markii Hawda Soomaaliya la gaarsiiyay darjada A.

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, taasoo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G, kaasi oo ah meesha ugu hooseeysay habka darajooyinka lagu qiimeeyo hagidda Diyaaradaha hawada mara, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada,taasoo ugu dambeysay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana howsha la soo wareegidda bilaabay Dowladdii uu markaasi Madaxweynaha ka ahaa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee muddo xileedkeedii hore, soo dhameystirideedina isaga ayaa leh.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo shalay ka qeyb-gashay munaasabad loogu dabaaldegay guusha ay Soomaaliya ka gaartay heer qiimeynta maamulka hawada dalka,ย  waxaa kaloo munaasabadaasi ka qeybgalay Xildhibaanno, Masuuliyiinta Shirkada diyaaradaha iyo masuulyiin kale, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiirka iyadoo sheegtay in dhawaan howlgali doonto Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Airlines.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay darajada ay gaartay hawada Soomaaliya, sidoo kale waxa ay u mahadcelisay hoggaanka iyo howlwadeennada Hayโ€™ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay 30 sanno kaddib in uu dalku la soo wareego maamulka Hawada, iyadoo hadalkiisa sii wadata ย ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay, soona dhaweynayso in hawada Soomaaliya maanta loo aqoonsado mid buuxisay sharuudaha inay gaarto heerka ugu sareeya ee qiimeyn caalamiga ah.

Maareeyaha heyโ€™adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshii ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

โ€œHawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda heyโ€™adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.โ€ Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeyntaย (heerka A),ย kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Soomaaliya marka ay howshaan la wareegidda u bilaabato waxaa koraya masuuliyad weyn oo dhinaca Diyaaradaha Hawada sare mara, waxaana kordhaya tirada maritaanada Duulimaadyada, islamarkaana waxaa hordhaya dhaqaalaha ay ka helayso Soomaalida, waa guul wax badan lagu taamayay, lana doonayo in lagu fara adeego, waxaa la yiraahdaa Hawasda Soomaaliya waa midda labaad ee ugu dheer uguna ballaaran Qaaradda Afrika, waana waxybaha loogu doortay inay hesho Darajada (A), waxayna noo leedahay faaโ€™ido weyn, islamarkaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen, waxa kaloo jira in arintani ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah ku soo dhiiran doonaan Soomaaliya.

Maamulka Hawo-maridda Dal ee heerka A, waxaa lagu maamulaa Hawada ka sarreysa qiyaastii 24,500 feet oo u dhiganta (7,467 mitir), waxaana la siiyaa duulimaadyada oo dhan amarada marista hawada iyo kala hagistooda, iyadoo Heyโ€™adda IATA ay sheegtay in tallaabadani ay si weyn u wanaajin doonto ammaanka Gobolka, ayna kor u qaadi doonto waxtarka Duulimaadyada, waxaana laga maamulayay Hawda Soomaaliya magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya intii u dhaxeysa 1992-2018, waxaana hawada Soomaaliya isticmaala 24-kii saacba diyaarado gaaraya 400 caalami ah, balse hadda waxay kordheysaa waxayna gaari doontaa ilaa iyo 600 duulimaad maalintiiba.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseysay ee dhanka qiimeynta, waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana way heysata, waana fursad dahabi ah ee soo martay Soomaaliya, waxaase loo baahan yahay in la xajiyo guushaasi, maadama ay tahay tijaabo muddo Lix bilood ah, mar walbana lala socdo tayada qalabka iyo Hagayaasha intaba, oo mar walba lagu dadaalo la jaanqaadidda dunida oo mar walba sii casriyoobaysa.

Qallinka C/laahi Ruush

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashigooda dhinaca duulista

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii shalay qaabishay Safiirka Midowga Yurub…

GudahaWararka
June 5, 2024

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranย  oo doortay guddoon cusub

Muqdisho(SONNA);-Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta dooratay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa. Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka…

GudahaWararka
December 2, 2024

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida & wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka…

GudahaWararka
September 5, 2024

Xuska Maalinta Afka Carabiga(Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Afka Carabigu waa tiir ka mid ah dhaqamada kala duwanaanshaha aadanaha. Waa mid ka mid ah luqadaha looga hadlo adduunka…

MaqaalladaWararka
December 18, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023