Dubai (SONNA): Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay guddiga fulinta cimiladda maaliyadeed oo ka kooban lix xubnood, kadib ku biiritaankeedii.
Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu sheegay munaasabad wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Makhzumi ay kaga hadashay caqabadaha xiligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha cimilada.
Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh ee qaranka ee ku wajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.
Hawl-wadeennada maaliyadda cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka maaliyadda cimilada adduunka.
Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyp hal-abuurnimada, iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo quruumaha wajahaya caqabadaha cimilada u noqda samatabixin.