Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah
    June 30, 2025
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada
    June 30, 2025
    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA
    June 30, 2025
    ๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: “๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ช๐จ ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐š๐ก”
    June 30, 2025
    Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun โ€œCurashadii Maandeeqโ€
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    โ€˜Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyadaโ€™ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya oo ku biirtay Bulshada Bariga Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Soomaaliya oo ku biirtay Bulshada Bariga Afrika
MaqaalladaWararka

Soomaaliya oo ku biirtay Bulshada Bariga Afrika

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 24, 2023
11 Min Read
Share
Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka ay leeyihiin bulshada Afrikada Bariga Afrika, waxayna Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa goโ€™aan ku gaaray in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan oo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan, arrintani ayaa waxaa ka hadlaya Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys.

“Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. ย Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah. oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in muddo dheer ay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedkan Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii. Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo. waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey

“Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla. Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faaโ€™iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya โ€“ AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigan xaadirka ah joogaan. Hawlgalkan Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay. Wadamada Bariga Afrika ayaa si dhow oo wadajir ah ugu jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib”, ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya wax badan ayay ka faaโ€™iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faaโ€™iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa waxa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faaโ€™iidi doonto.

Mudane Daauud Aweys oo ka hadlayay faaiisada ugu jirta Soomaaliya ayaa “Xubinnimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka. Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dawlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkan. Taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyeyaasha gobolka”.

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika. Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faaโ€™iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faaโ€™ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faaโ€™iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka .Ka faaโ€™iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doontaa ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa. Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faaโ€™iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhalinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Dhanka siyaasadda “Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubanahย  Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka. Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go;aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Wasiirka.

Waxaa jira kooxo yar oo dhaleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan. Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisya dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.

Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faaโ€™iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba. Laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa. Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad goโ€™doon ama keli ah. Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso. Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh ย Maxamuud ay uga goโ€™an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

“Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, โ€˜Umoja ni Nguvuโ€™, oo macnaheedu yahay โ€œMidnimadu waa Awoodโ€. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarno una barwaaqowno. Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishan November si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub eek u soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).ย  Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah. Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faaโ€™iidaysiga kheyraadka gobolka si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool” ayuu yiri Wasiirka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay…

GudahaWararka
February 27, 2024

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo gaaray Itoobiya

Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha ย Shacabka ย Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Ayaa ย Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka…

Wararka
November 12, 2019

Wasiir Axmed Fiqi oo soo bandhigay nidaam cusub oo dhejitaal ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa daaha ka qaaday nidaam cusub oo "degital" ah…

GudahaWararka
May 23, 2024

Kulan looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Waxaa Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee badda Soomaaliya. Kulan oo…

GudahaWararka
February 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023