Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada, Aadam Aw Xirsi iyo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane; Maxamud Macallin ayaa shirka Arrimaha Bini’aadannimada kaga qeyb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada midoobay ayay u jeeddadiisu ahayd sidii Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruurin lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arrimaha bini’aaddannimo iyo Barakacayaasha magaalada Baardheere ee uu saameeyay roobabka iyo colaadaha ka jira dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay waddamada deeqda bixiya sida Midowga Yurub, China , waddamada Carabta iyo hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini’aaddannimada.