Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro
Wararka

Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 13, 2019
3 Min Read
Share

Budapest-Hungary-(SONNA)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng; Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda Dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen Dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Mudane; Canshuur, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horreeyay ee isaga iyo Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta, Md; Cabdi Sheekh, la yeesheen Xoghayaha Guud ee midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha horumarinta, Ms; Doreen Bogdan-Martin.

Kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii Sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 Sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada Dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii Dalka Shiinuhu Gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay Dowladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyadda ee Dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada Labada Dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya Labadii Sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta Dowladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 ay Soomaaliya noqotay Dalka 2-aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo siyaasad Qaran oo dhinaca teknolojiyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 Sano kadib.

ITU waxay si gaar ah u xustay in mudane, Canshuur uu noqonayo Wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 Sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxadda ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka Mahadaay oo codsaday gurmad deg-deg ah

Jawhar(SONNA)- Maamulka Degmada Mahaday ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara…

Wararka
December 14, 2019

Man United oo u gudubtay wareega siddeed dhamaadka Carabao Cup, kaddib markii ay Chelsea kaga soo adkaatay Samford Bridge… +SAWIRRO

London(SONNA)-Manchester United ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka koobka Carabao Cup, kaddib markii ay 1-2 kaga soo adkaatay kooxda Chelsea…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Dowlada Somalia oo ka hadashay go’aanka ICJ ee dib u dhigista dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho.(SONNA)...Dowlada federaalka Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ee ku saabsaneyd in mar…

Wararka
May 28, 2020

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ka qalin jabiyay Mac’hadka Diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka

MUQDISHO-(SONNS)-Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Huruuse ayaa tababar u soo xiray 106 dibloomaasi…

GudahaWararka
August 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023