Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro
Wararka

Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 13, 2019
3 Min Read
Share

Budapest-Hungary-(SONNA)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng; Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda Dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen Dalal iyo hayโ€™ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Mudane; Canshuur, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horreeyay ee isaga iyo Maareeyaha guud ee hayโ€™adda Isgaarsiinta, Md; Cabdi Sheekh, la yeesheen Xoghayaha Guud ee midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha horumarinta, Ms; Doreen Bogdan-Martin.

Kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii Sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 Sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada Dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii Dalka Shiinuhu Gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay Dowladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyadda ee Dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada Labada Dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya Labadii Sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta Dowladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 ay Soomaaliya noqotay Dalka 2-aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, hayโ€™ad isgaarsiineed iyo siyaasad Qaran oo dhinaca teknolojiyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 Sano kadib.

ITU waxay si gaar ah u xustay in mudane, Canshuur uu noqonayo Wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 Sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxadda ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Muhiimadda kulanka Caalamiga ah ee Amniga Soomaaliya ee Washinton (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ku yeeshay Magaalada New York ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed…

GudahaMaqaallada
December 11, 2023

Kusimaha Duqa Muqdisho Oo Daah-furay Sanad Dugsiyeedka Cusub Ee Iskuulka Gabdhaha Agoonta Ah Ee Degmada Boondheere โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa Daahfuray Sanad…

Wararka
August 19, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 39 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku…

Wararka
June 18, 2020

Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Qatar Uga Qayb Galay Furitaanka Madasha Dooxa โ€œSAWIRROโ€

Dooxa (SONNA) - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa. Madasha…

Wararka
December 14, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023