Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)

By Abdulkadir
Last updated: March 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya oo kaashanaynsa shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo Dollar oo ay ku caawinayso dhibanayaasha Turkida oo dhibaato kasoo gaartay Dhul gariirkii ku dhuftay dalkaas dhowaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore 16 February u magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Soomaaliya oo ku suntaneed in muddo ah dal la caawiyo markay dhibtooyin ka dhacaan ayaa hadda u muuqato mid la tartamaysa dhigeeda caalamka,ka dib horumaro dowladda Soomaliya ka samaysa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u kaca dhaqaalaha guud ee dalka iyadoo hadda muuqato in dowladda iyo shacabkeeduba aysan hilmaamin kaalintii dalalka qaar ay ka geysteen u gurmashada ummadda Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee la soo maray.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo la wada xasuusto kaalintii walaalaha Turkiga ay ka qaateen abaarihii kala duwanaa ee ku dhuftay dalka haba ugu darnaato abaartii sanadkii 2011-kii kolkaas oo dowladda turkiga iyo shacabka Turkigu gurmad weyn ka geysteen sammata bixinta shacabkii Soomaaliyeed ee abaartu haleeshay.

Munaasabad lagu qabtay muqdisho oo ay ka qayb galeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed  uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay.

Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hada dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay walaalahooda turkiga u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada soomaaliyeed aya sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin in ay garab istaag dhinac walba leh u muujiyaan walaalahooda Turkiga, isagoo xusay in iyadoo lagu jiro marxalado adag ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ku wareejisay maamulka gobolka Gedo

Muqdisho (SONNA): Munaasabadd kooban oo ka dhacday Baqaarka kaydka raashinka hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta Guddoomiyaha hay'adda mudane Maxamuud Macallim…

GudahaWararka
January 31, 2024

Madaxda Aljeria iyoTaliska Mareykanka ee Afrika oo ka hadlay qodobo muhiim ah

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend iyo Madaxweyne Algeria Abdelmajid Tebboune ayaa isku afgartay in laga wadashaqqeyo arrimo…

Wararka
September 24, 2020

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la qaatay Danjire Souef Mohamed El-Amine

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka…

GudahaWararka
June 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023