Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo doonaysa inay burburiso Shabakadda Maalgelinta Al-Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo doonaysa inay burburiso Shabakadda Maalgelinta Al-Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Soomaaliya oo doonaysa inay burburiso Shabakadda Maalgelinta Al-Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 26, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-16-kii Janaayo, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul weyn, Ciidankeedu waxay xoreeyeen Xarardheere, oo ahayd xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen Xeebta Badweynta Hindiya oo ay kooxda Argagixisadu haysteen muddo toban sano ah., iyadoo Xarardheere ay horay u ahayd saldhig ay ku sugnaayeen burcad-badeedda afduubka iyo Madax-furashada uga geysan jiray Maraakiibta ku sugan badweynta, waxayna ahayd il dhaqaale oo aad u badan oo Al-shabaab ka soo geli jirtay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay ka heli jireen dakhli canshuuro ah.

Ka dib markii la doortay 2022-kii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah kooxda Argagixisada, wuxuuna wacad ku maray inuu joojinayo dhaqaalaha kooxda. โ€œWaa in aan isticmaalno awood Ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno maalgelinta sharci darrada ah.

โ€œ”Al-Shabaab loogama adkaan doono qoriga oo keliya,” ayuu ku qoray maqaal bishii Oktoobar lagu daabacay mareegaha wararka ee Soomaaliya. โ€œWaa in aan isticmaalno awood ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno ย maalgelinta sharci darrada ah,Waxaan mar kale ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalladayada wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan la-shaqeynta al-Shabaab nooc kasta ha ahaadee, iyadoo aan loo eegin qiimaha.”

Iyadoo xiriir adag ay la leedahay hogaanka sare ee al-Qaacida, al-Shabaab waxay maalgelisay weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed,Waxa kale oo jira caddaymo ay lacag siisay kooxaha xagjirka ah ee Nigeria iyo Mozambique, sida uu sheegay Maxamuud.

Soomaaliya ayaa qaaday weeraro militari oo ka dhan ah khawaarijta tan iyo bishii Luulyo 2022-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, weerarkaas ayaa ballaartay oo lagu daray weeraro xudunta u ah ilaha dhaqaalaha badan ee al-Shabaab, waxayna Khubaradu sheegeen inay adkaan doonto in la burburiyo, iyadoo la tixgelinayo in kooxdu ay gacanta ku hayso saddex meelood meel dalka, oo ay ku jiraan qiyaastii 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahanadeedu waxay ku hayaan inta badan baadiyaha, iyagoo caburin ku haya.

Warbixin uu soo saaray machadka Hiraal oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Khawaarijta ay bishiiba ururiyaan lacag dhan 15 milyan oo dollar, taasi oo u badan lacago baad ah iyo canshuuro, ย Iyadoo adeegsanaysa caga-jugleyn, rabshado iyo xeelado Maafiyo u eg, al-Shabaab waxay ururisaa dakhli badan si la mid ah Maamulada Soomaaliya, iyadoo Dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya ay Al-Shabaab lacag siiyaan bil kasta iyo โ€œzakadโ€ ama canshuur sannadkii, 2.5% faaโ€™iidada sannadlaha ah, ayay tiri warbixintu, waxaana la sii raaciyay “Cabsi iyo khatar la aamini karo oo noloshooda ku soo fool leh ayaa ah dhiirigelinta kaliya ee al-Shabaab canshuur bixiyayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Amniyaadka laga cabsado, garabka amniga iyo sirdoonka ee al-Shabaab ayaa ka kooban ilaa 500 ilaa 1,000 hawl-wadeenno ah, ururiya oo maamula dhaqaalaha kooxda, waxaase Maamulku uu cunaqabateyn caalami ah ku soo rogay shabakad ka kooban toban xubnood oo ka tirsan waaxda maaliyadda ee al-Shabaab bishii Oktoobar 2022-kii, ka dib markii ay u isticmaaleen dhaqaalaha tahriibinta iyo ka ganacsiga hubka iyo qoritaanka.

Kooxdan ayaa lacag kumanaan dollar ah ka qaada maalin kasta iyaga oo u mara jid gooyooyin ganacsi oo muhiim ah. Waddada aada Baydhabo ayaa ah mid faa’iido badan leh, sababtoo ah ganacsatada iyo kooxaha samafalka ayaa raashin iyo sahay u daabula xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in hal jidgooyo ay ka soo xarooto lacag dhan 5,000 oo dollar maalintii waddada aada Baydhabo.

“Waa urur maafiyo la mid ah oo xididaysan, kuna dhex milmay dhammaan qeybaha bulshada, dhaqaalaha iyo dawladda qaybaha koonfureed ee dalka,” ayuu qoray. “Waxay bixisaa adeegyada aasaasiga ah, inta badan la xiriidha amniga iyo caddaaladda, waxayna ku raaxaysanaysaa heer sharci ah meelaha qaarkood.”

Dabayaaqadii Sebtembar, dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo looga dan leeyahay in lagu curyaamiyo awoodda al-Shabaab oo dhaqaale uruurin. Khudbad uu jeediyay Janaayo 11-keedii, Raโ€™iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay xirtay Akoon kasta oo Bangi oo caan ah oo ku xirnaa al-Shabaab, ku dhawaad 250 xisaabood oo ku yaallay afar Bangi – ayna xirtay adeegyada taleefannada gacanta iyo xogta ilaa 70 taleefoonnada gacanta ah oo ay dableydu adeegsanayeen lacag xawilaad.

“Tani waxay ahayd guul weyn, waxayna suurogashay oo keliya talooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Waxaan ku guda jirnaa baaritaanka xaadiga lacagta la xayiray ee xisaabaadka xiran.”

Afhayeenka Cali Dheere ayaa 28-kii Janaayo sheegay in kooxdu aysan โ€œ aqbali dooninโ€ in bangiyada ay siiyaan macluumaadka macaamiisha โ€œshisheeyahaโ€ wuxuuna ku tilmaamay falalka noocaasi ah โ€œwax ciqaab ahโ€, balseย  Cumar Maxamuud, oo ah Falanqeeye sare oo Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in weerarrada milateri iyo kuwa maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameynayaan isbeddel, balse caqabadda ugu weyn ay weli tahay mid guulo laga gaarayo.โ€œSamaynta ama nasashadu kuma jirto wejiga weerarka ee waa wax kasta oo ka dambeeya,” ayuu u sheegay Reuters. “Al-Shabaab hubaal waxaa saaran cadaadis, laakiin waxay ciyaaraan ciyaar dheer.”.

ADF STAFF ayaa qortay waxaase Diyaariyay C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaarย daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Muqdisho(SONNA):Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka…

GudahaWararka
April 20, 2025

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ka ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐›๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ก๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐… ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š

Muqdisho(SONNA):-๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐Œ๐…: Shirka koowaad oo ay shir guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ๐Š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐š ๐†๐ž๐จ๐ซ๐ ๐ข๐ž๐ฏ๐š ayaa waxaa…

GudahaWararka
October 23, 2024

Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)

Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 24, 2024

Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Jarmalka ee geeska Afrika

Muqdishoย  (SONNA): Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda FS mudane Cali Cumar (Cali Balcad) oo ay…

GudahaWararka
October 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023