Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka

By Bile
Last updated: July 1, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa in aan dib u milicsano taarikhdeena ku salaysan adkeysiga iyo horumarka, iyadoo aan mar walba wajaheynay dhibaatooyin aan kala joogsi lahayn. Taariikhdeena, oo ay ka buuxaan tijaabooyin iyo dhibaatooyin tan iyo markii aan dka xorownay gumeysiga 1960-kii, ayaa tusaale inoogu filan geesinimadeena iyo go’aankeena.

Maanta marka aan dib eego taarikhdeena waxaa dhiiri-gelin ii ah ereyadii qoraagii iyo mufakirkii maraykanka ahaa ee wax badan wax ka qoray siyaasada ee Thomas Paine, ee ahaa “ Mar walba oo ay colaada sii dheeraato, waxa sii macananaysa guusha. Wixii si fudud lagu hanta si fudud ayaa lagu lumiyaa. Waan jeclahay ninka awooda in uu muusoodo isaga oo dhibaato wajahaya, xoog iyo karti ka qaada mushkilada haysata, geesinimana ka qaada marka uu dib u milicsado waxa uu soo maray”. Halgankeena dal ahaan waxa uu xambaarsan yahay sheeko-ballaaran oo wax badan la wadaagta halganka wadamada qaarada Afrika ee iska xoreyntii gumeysiga iyo himilooyinka soo socda ee kobaca qaranka.

Runtii, si la mid ah wadamo badan oo qeyb ka haa mowjadaha gumeysi iska- xoreynta, waxan la kulannay dib-u-dhacyo iyo xanuunno isa soo taraya, laakiin weli taas nama niyad jabin.  Tusaale, u gudubka hidaha dhaqanka iyo ilaalinta afkeena iyo dhaqamada afkayagu waxay marag u noqdeen adkeysi dhaqameedkeena tan iyo xoriyada, si la mid ah sida ay Ireland ugu fara adeegtay luuqadeeda Gaeilge iyo sida New Zealand dib ugu soo noolaysay luuqadeeda Te Reo Maori.

Maanta, aan dib u cusboonaysiinno ballanqaadkeenna ah ilaalinta dhaqankeena hodanka ah si ay uga faa’ideystaan jiilka mustaqbalka. Dhinaca kale, waxa marnaba aan la iska indha tiri kerin halista ay wajahayaan waxyaabaha dhaxal-galka ah sida goobaha taariikhiga ah iyo farshaxanada laga soo bilaabo Dhulkii Puntland ee qadiimiga ahaa ilaa Saldanaddii Geledi. Dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday, masiibooyinka deegaanka iyo sida aanan awooda ugu lahayn ilaalinta degaanka ayaa ah arrimo walaac nagu haya. Hasayeeshe, talaabooyinka ku dayashada mudan ee ay qaadeen Talyaaniga iyo Giriiga ee ku aadan ilaalinta bay’ada ayaa dhiiri-gelin inoogu filan.

Sidoo kale aynu xasuusanno waxtarka muhiimka ah ee qurba-joogta, oo si la mid ah qurba joogtii dalalka Hindiya iyo Filiapiin wax badan ka badelay xaaladda wadamadooda. Dadaalkooda dhinaca dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ganacsiga waxa  uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka guud. Waxa sidoo kale xusid mudan sida ay ula qabsadeen, ulana noolaadeen ummadihii kala duwanae ee ay ugu tageen dalalka shisheeye.

Taarikhdeenna waa in aan sidoo kale ku xusnaa dadaalka shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, inagoo dhiiri-gelin ka dhiganayno horumarka ay shirkadaha gaarka ah ka sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Malaysiya, Singapore, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka faa’iidaystay shirkadaha gaarka ah.

Waxa waajib nagu ah in aan ka faa’ideysano hal-abuurka iyo qaababka kala duwan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha. Waa in aan diirada saarno ka faa’ideysiga iyo kobcinta xoolaheena, beeraheena iyo warshadaha kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah haqab-beelka cuntada. Aynu qaadano dhaqamo waara, teknooloji cusub, iyo sharci adag, inagoo tusaale ka dhiganayna wadamada ku wanaagsan qaybahan.

Maanta, annagoo xusayna sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay xoriyadeena waxa guul inoo ah in aan rajeneyno in naga la cafiyo deymihii ay mudada dheer nagu lahayeen wadamada shisheeye, anigoo u marayna hanaanka deyn cafinta ee loo soo gaabsho HIPC. Ma aha guul uu qof shaqsi ah gaaray, balse waa mid aan dhamaanteen gaarnay. Marka la soo gabagabeeyo hanaanka deyn cafinta dhamaadka sanadkan 2023-da, waxaan rajenaynaa in aan cagta saari doono wado cusub oo aan uga faa’ideysan karno hanaanka maaliyada ee caalamiga iyo madax banaanida dhaqaalaheena.

Hanaanka Federaalka oo ah weli ah fikarad ku cusub dalkeena ayaa waxa uu ifiyey caqabado ku aaddan adkeynta dastuurkeenna iyo qaabka dowladnimo. Waxaan cashirro ka qaadan karnaa sida uu ugu dhaqan-galay hanaanka federaalka wadamada sida Jarmalka iyo Kanada si aan u kala saarno mas’uuliyadaha ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in dastuurkeena uu waafajiyo rabitaanka Soomaalida oo dhan. Aynu sii wadno hawsha muhiimka ah ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka si loo horumariyo xasilloonida siyaasadeed iyo sareynta sharciga.

Taariikhda xanuunka badan iyo qisooyinka Rwanda iyo Laybeeriya waxay ina xasuusinayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha. Sannad-guurada 63-aad, ujeeddooyinkeenna koowaad waa in ay noqdaan ka shaqeynta nabadda, dib-u-dhiska dalka colaadda ka dib iyo sara u qaadida wada-noolaanshaha.

La-dagaalanka xag-jirnimada maaha oo keliya ammaan balse sidoo kale kasbashada quluubta iyo maskaxda. Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano dalal ay ka mid yihiin Malaysiya, Indonesia, iyo Turkiga oo si guul leh wax uga qabtay sababaha asaasiga ah ee xagjirnimada, oo inta badan ka dhasha kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale iyo caddaalad-darro la dareemay.

Anaga oo dalka Koonfur Afrika uga dayaneyna hanaanka dib u heshissinta ee ku salaysan in runta la isu sheego, waa in aan qaadanaa istaraatiijiyad dib-u-heshiisiineed oo dhamaystiran. Sida Mahatma Gandhi mar uu yiri, “Qofka daciifka ah waligiis wax ma cafin karo, wax cafinta waa sifada kuwa xoogga badan.”

Dal ahaan waxa ina soo maray dhacdooyin aad u xanuun badnaa, sida keliya ee aan wax uga badeli karno nolosheena, dad nimadeena iyo qarankeena waa in dhacdooyinkaas ay noqdaan kuwo aan wax baranay si la mid ah sida ay sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Rwanda iyo Yugoslavia kuwaas oo hoosta ka xaqiiqay muuhimada ay leedahay in mar walba la xoojiyo dowladnimada iyo midnimada.

Dabaal-deg iyo sanad guuro wacan- Soomaaliya hanoolaato.

Ku saabsan Qoraaga:

Dr Mohamed Osman Mohamoud, PhD, waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda. Marka laga yimaaddo doorkii uu ka soo qabtay hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, Dr. Maxamuud waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar. Waxaad kala socon kartaa qoraaga bartiisa Twitter-ka ee @MohamedOsmanSom

 

TAGGED:Soomaaliya oo 63 jir ah aan din u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga Soo kabashadda iyo Horumarka
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Horjoogayaashii Khawaarijta u qaabilsanaa Qaraxyada iyo maaliyadda oo duqeyn lagu dilay

Muqdisho (SONNA): War ka soo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabbad sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu faah faahiyey hawlgal xagga…

GudahaWararka
March 12, 2025

wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka qeybgaley xaflad lagu abaal-mariyay saxaafadda libya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Tripoli uga qeybgaley munaasabad lagu…

Gudaha
December 11, 2025

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarasho ee Dalka

Muqdisho.(SONNA)...Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka…

Wararka
September 4, 2020

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi-(SONNA)-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee kasoo wareegatay madax-bannaanida Soomaaliya. Munaasabaddan waxaa ka…

GudahaWararka
July 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023