Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka

By Bile
Last updated: July 1, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa in aan dib u milicsano taarikhdeena ku salaysan adkeysiga iyo horumarka, iyadoo aan mar walba wajaheynay dhibaatooyin aan kala joogsi lahayn. Taariikhdeena, oo ay ka buuxaan tijaabooyin iyo dhibaatooyin tan iyo markii aan dka xorownay gumeysiga 1960-kii, ayaa tusaale inoogu filan geesinimadeena iyo go’aankeena.

Maanta marka aan dib eego taarikhdeena waxaa dhiiri-gelin ii ah ereyadii qoraagii iyo mufakirkii maraykanka ahaa ee wax badan wax ka qoray siyaasada ee Thomas Paine, ee ahaa โ€œ Mar walba oo ay colaada sii dheeraato, waxa sii macananaysa guusha. Wixii si fudud lagu hanta si fudud ayaa lagu lumiyaa. Waan jeclahay ninka awooda in uu muusoodo isaga oo dhibaato wajahaya, xoog iyo karti ka qaada mushkilada haysata, geesinimana ka qaada marka uu dib u milicsado waxa uu soo marayโ€. Halgankeena dal ahaan waxa uu xambaarsan yahay sheeko-ballaaran oo wax badan la wadaagta halganka wadamada qaarada Afrika ee iska xoreyntii gumeysiga iyo himilooyinka soo socda ee kobaca qaranka.

Runtii, si la mid ah wadamo badan oo qeyb ka haa mowjadaha gumeysi iska- xoreynta, waxan la kulannay dib-u-dhacyo iyo xanuunno isa soo taraya, laakiin weli taas nama niyad jabin.ย  Tusaale, u gudubka hidaha dhaqanka iyo ilaalinta afkeena iyo dhaqamada afkayagu waxay marag u noqdeen adkeysi dhaqameedkeena tan iyo xoriyada, si la mid ah sida ay Ireland ugu fara adeegtay luuqadeeda Gaeilge iyo sida New Zealand dib ugu soo noolaysay luuqadeeda Te Reo Maori.

Maanta, aan dib u cusboonaysiinno ballanqaadkeenna ah ilaalinta dhaqankeena hodanka ah si ay uga faaโ€™ideystaan jiilka mustaqbalka. Dhinaca kale, waxa marnaba aan la iska indha tiri kerin halista ay wajahayaan waxyaabaha dhaxal-galka ah sida goobaha taariikhiga ah iyo farshaxanada laga soo bilaabo Dhulkii Puntland ee qadiimiga ahaa ilaa Saldanaddii Geledi. Dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday, masiibooyinka deegaanka iyo sida aanan awooda ugu lahayn ilaalinta degaanka ayaa ah arrimo walaac nagu haya. Hasayeeshe, talaabooyinka ku dayashada mudan ee ay qaadeen Talyaaniga iyo Giriiga ee ku aadan ilaalinta bayโ€™ada ayaa dhiiri-gelin inoogu filan.

Sidoo kale aynu xasuusanno waxtarka muhiimka ah ee qurba-joogta, oo si la mid ah qurba joogtii dalalka Hindiya iyo Filiapiin wax badan ka badelay xaaladda wadamadooda. Dadaalkooda dhinaca dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ganacsiga waxaย  uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka guud. Waxa sidoo kale xusid mudan sida ay ula qabsadeen, ulana noolaadeen ummadihii kala duwanae ee ay ugu tageen dalalka shisheeye.

Taarikhdeenna waa in aan sidoo kale ku xusnaa dadaalka shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, inagoo dhiiri-gelin ka dhiganayno horumarka ay shirkadaha gaarka ah ka sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Malaysiya, Singapore, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka faaโ€™iidaystay shirkadaha gaarka ah.

Waxa waajib nagu ah in aan ka faaโ€™ideysano hal-abuurka iyo qaababka kala duwan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha. Waa in aan diirada saarno ka faaโ€™ideysiga iyo kobcinta xoolaheena, beeraheena iyo warshadaha kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah haqab-beelka cuntada. Aynu qaadano dhaqamo waara, teknooloji cusub, iyo sharci adag, inagoo tusaale ka dhiganayna wadamada ku wanaagsan qaybahan.

Maanta, annagoo xusayna sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay xoriyadeena waxa guul inoo ah in aan rajeneyno in naga la cafiyo deymihii ay mudada dheer nagu lahayeen wadamada shisheeye, anigoo u marayna hanaanka deyn cafinta ee loo soo gaabsho HIPC. Ma aha guul uu qof shaqsi ah gaaray, balse waa mid aan dhamaanteen gaarnay. Marka la soo gabagabeeyo hanaanka deyn cafinta dhamaadka sanadkan 2023-da, waxaan rajenaynaa in aan cagta saari doono wado cusub oo aan uga faaโ€™ideysan karno hanaanka maaliyada ee caalamiga iyo madax banaanida dhaqaalaheena.

Hanaanka Federaalka oo ah weli ah fikarad ku cusub dalkeena ayaa waxa uu ifiyey caqabado ku aaddan adkeynta dastuurkeenna iyo qaabka dowladnimo. Waxaan cashirro ka qaadan karnaa sida uu ugu dhaqan-galay hanaanka federaalka wadamada sida Jarmalka iyo Kanada si aan u kala saarno mas’uuliyadaha ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in dastuurkeena uu waafajiyo rabitaanka Soomaalida oo dhan. Aynu sii wadno hawsha muhiimka ah ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka si loo horumariyo xasilloonida siyaasadeed iyo sareynta sharciga.

Taariikhda xanuunka badan iyo qisooyinka Rwanda iyo Laybeeriya waxay ina xasuusinayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha. Sannad-guurada 63-aad, ujeeddooyinkeenna koowaad waa in ay noqdaan ka shaqeynta nabadda, dib-u-dhiska dalka colaadda ka dib iyo sara u qaadida wada-noolaanshaha.

La-dagaalanka xag-jirnimada maaha oo keliya ammaan balse sidoo kale kasbashada quluubta iyo maskaxda. Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano dalal ay ka mid yihiin Malaysiya, Indonesia, iyo Turkiga oo si guul leh wax uga qabtay sababaha asaasiga ah ee xagjirnimada, oo inta badan ka dhasha kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale iyo caddaalad-darro la dareemay.

Anaga oo dalka Koonfur Afrika uga dayaneyna hanaanka dib u heshissinta ee ku salaysan in runta la isu sheego, waa in aan qaadanaa istaraatiijiyad dib-u-heshiisiineed oo dhamaystiran. Sida Mahatma Gandhi mar uu yiri, “Qofka daciifka ah waligiis wax ma cafin karo, wax cafinta waa sifada kuwa xoogga badan.”

Dal ahaan waxa ina soo maray dhacdooyin aad u xanuun badnaa, sida keliya ee aan wax uga badeli karno nolosheena, dad nimadeena iyo qarankeena waa in dhacdooyinkaas ay noqdaan kuwo aan wax baranay si la mid ah sida ay sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Rwanda iyo Yugoslavia kuwaas oo hoosta ka xaqiiqay muuhimada ay leedahay in mar walba la xoojiyo dowladnimada iyo midnimada.

Dabaal-deg iyo sanad guuro wacan- Soomaaliya hanoolaato.

Ku saabsan Qoraaga:

Dr Mohamed Osman Mohamoud, PhD, waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda. Marka laga yimaaddo doorkii uu ka soo qabtay hayโ€™adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, Dr. Maxamuud waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar.ย Waxaad kala socon kartaa qoraaga bartiisa Twitter-ka ee @MohamedOsmanSom

 

TAGGED:Soomaaliya oo 63 jir ah aan din u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga Soo kabashadda iyo Horumarka
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shirgudoomiyey kulanka guddiga joogtada

Muqdisho(SONMA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka 17-aad…

GudahaWararka
December 18, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku baaqay in loo gurmado Dadka Waxyeelada Ka soo gaartay Daadadka Qardho

Muqdisho;(SONNA) - Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabelleย  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ay waxyeeladaย  ka soo gaartayย  roobabka guโ€™ga ee…

Wararka
April 29, 2020

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soomaliland oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Muqdisho(SONNA):-Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsanย  arrimaha Soomaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaaย  hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka…

Wararka
April 3, 2023

Raโ€™isul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddada Taleex oo dib u dhis lagu sameeyay

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale)…

GudahaWararka
October 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023