Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah

By SB
Last updated: April 10, 2025
2 Min Read
Share

Istanbul(SONNA):-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa heshiis istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo laga bilaabayo hawlgal sahamin shidaal oo lagu sameynayo dhulka gudaha Dalka (Onshore Blocks).

Heshiiskan muhiimka ah ayaa ka dhashay kulan wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankaasi wuxuu daba socday wadahadallo miro-dhal ah oo horay uga dhacay magaalada Istanbul.

Intii uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday “Heshiiska Sahminta iyo Soo Saarista Kaarboon ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya”, waxaana heshiiskaas kala saxiixday Shirkadda Shidaalka ee Turkiga (TPAO) iyo Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA).

Sida ku xusan heshiiska, Shirkadda TPAO waxay ka fulin doontaa Soomaaliya hawlo sahaminta dhulka ah (seismic surveys) oo laba-gees iyo saddex-gees ah (2D & 3D) oo lagu sameynayo saddex dhul oo isku wareeg ah 16,000 KM². Marka sahankaasi la dhameeyo, waxaa lagu guda geli doonaa hawlaha qodista iyadoo la tixraacayo natiijooyinka sahanka.

Tallaabadan cusub waxay astaan u tahay horumar dhab ah oo laga gaaray dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, waxayna u gogol xaareysaa wejigii labaad ee sahaminta dhulka kadib dadaalladii hore ee lagu sameeyay badda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay ku rajo weyn tahay in iskaashigan uu noqon doono mid miro-dhal ah, kana qeyb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshey magaalada Muqdisho ku xigeenka Ergeyga…

Wararka
May 1, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar kamid ah…

GudahaWararka
December 16, 2021

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Wanlaweyn, (SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgal isugu jiray sifeyn iyo burburin…

GudahaWararka
October 3, 2024

Soomaaliya oo lagu wareejinaayo furaha hagista Duulimaadyada hawada dalka

Nairobi-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ay wehliyaan Safiirka JFS ee…

GudahaWararka
February 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023