Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 8, 2025
6 Min Read
Share

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho bishii Oktoobe ee sanadkii hore, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Markabka Oruc Reis ee Turkiga oo kala bar maraya cilmi-baaristiisa seismic ee Soomaaliya ee xeebaha”, waa Cinwaanka lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Turkiye ‘Anadolu Agency’ shalay oo taariikhdu aheyd 7-da bishan Febraayo,   Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis uu soo gabagabeeyay 50% cilmi-baaristii seismic ee badda Soomaaliya. Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo wafdigiisa, sida uu Wasiirka Turkiga ku sheegay qoraal uu soo dhigay X.

Labada Wasiir “waxay ka wadahadleen habka soo socda ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee aan ku horumarin karno dhulka,” ayuu yiri. Bayraktar waxa kale oo uu kulanka ka dib ku dhawaaqay in la bilaabay hannaan cusub oo wada shaqayneed oo ku saabsan macdanta Soomaaliya. “Waxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ku aaddan sidii aan iskaashigeenna xagga tamarta iyo macdanta u gaarsiin lahayn heer u qalma xiriirka dhow oo daacadda ah ee ka dhexeeya dalalkeenna,” ayuu sii raaciyay.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee la soo dhaafay howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Oruc Reis waxa uu baaritaanno seismic ah oo saddex-geesood ah ka wadaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ururinaya xogta sahaminta Saliidda iyo Gaasta dabiiciga ah muddo ku dhow lix ilaa toddoba bilood. Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara, si loo ogaado meelaha la qodayo marka sahanku dhammaado. Sida ay ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, uu kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankan oo ka dhacay Istanbul ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka.

kulanka ayaa lagu sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee Biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo ka hadlaayay kulan muhiim ahaa ee uu la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar,  si loo xoojiyo arrimaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyadoo Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka, waxaana Wasiirka uu uga mahadceliyay Dowladda Turkida dadaalada horumarineed ay ka wada Soomaaliya.

Faahfaahinnada ka soo baxaya kulankaasi ayaa lagu sheegay in Markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, marka uu dhammeeyo sahmintaani ayaa waxaa la sheegayaa in uu sidoo kale sameeyay dib u eegis ku saabsan istaraatiijiyadda sahaminta shidaalka dhulka Soomaaliya.

Dadka ka faallooda arrimaha Tamarta iyo Shidaalka ayaa sheegaya in dowldda Soomaaliya laga doonayo in ay shacabka mar walba la wadaagto warbixinada la xariira hadba xaaladda shidaal baarista dalku uu marayo, si  ay dowladdooda ugu kalsoonaadaan.

Wasiirka Batroolka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay Wasiirka Batroolka Soomaaliya ay isla qiimeeyeen habka mustaqbaliga ah ee howlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee lagu horumarin karo howlaha sahminta shidaalka, waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay inay go’aansadeen in labada Dowladood ‘ waa Soomaaliya iyo Turkiye’ ay bilaabaan hannaan iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta ah. “Waxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ah in aan kor u qaadno iskaashigayada dhinacyada tamarta iyo macdanta ah” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa isna muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wara kale ee la helayo ayaa tibaaxaya in Khubarada ka socota wadanka Turkiye ay haatan qorsheynayaan inay goor dhow bilaabi doonaan sahminta Macdanta ee dhulka Soomaaliya guntiisa ka buuxda, taasi oo muujineysa inay dhulka Soomaaliyeed ay ka buuxaan Shidaal iyo macdanaha noocyadooda kala duwan, sida laga soo xigtay Khubaro ku xeel dheer howlaha macdanta iyo shidaalka. “Gaajo iyo Faqri Soomali waa is daayeen Shidaal baaristii Xooggeeda waa soo dhaamatay, Qudistii in ay bilaabato kaliya ayaa hartay, mid dhulkana dhawaan ayay bilaabanayaa”, sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, balse ‘waa haddii si fiican loo maamulo’.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashiga caalamiga ah

Muqdisho (SONNA);-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka…

GudahaWararka
May 30, 2024

“Dhaq-dhaqaaqyada Militari ee ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah” (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay taageero dheeraad ah siiyaan, si ay u wajahdo caqabadaha halista ku ah qaranimadeeda…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
October 5, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta kala wareegay degaanka Doonyaale ee Gobolka Mudug

Muqdisho:-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwaa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal ay ku qaadeen degaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug kala…

GudahaWararka
February 10, 2023

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo u hambalyeeysay Boqorka iyo shacabka Marooko.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanad guurada 66-aad ee ka soo wareegatay…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023