Muqdisho (SONNA) Safiirka Soomaaliya ee dalalka Sacuudiga, Baxreyn iyo Jordan, Danjire Saalim Xaaji ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Mudane Dr. Hisham Al-Jadhei, Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka Sucuudiga.
Kulanka oo ka qabsoomay xarruunta dhexe ee hay’adda ayaa labada mas’uul kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Safiirka ayaa dowladda Sacuudiga uga mahad caliyay ka qeyb qaadashada dadaalada lagu horumarinayo dalka.
“Waxa aan ku faraxsanahay in aan kula kulmay Mudane Dr. Hisham Al-Jadhei, Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka Sucuudiga ee xarunta dhexe hay’addaasi.
Intii uu kulanka socday waxaan uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha xayiraadda uu ka qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya, iyadoo ay ii dheertahay in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka labada dal iyo ka wada xaajoodka arrimaha danta guud” ayuu yiri Danjire Saalim Xaaji.