Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil, Maxamed Barre Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed ( Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid.
Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saarnay Iskaashi dhex-mara labada wasaaradood gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha iyo xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed.
Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan si loo diiwaangeliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidi dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyaradu Soomaaliyeed,ย waxaana wasaaradda sanadkan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.