Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Sii-hayaha Safaaradda dowladda Liibiya ee Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi.
Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.
Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay arrinta tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda iyo u fududeynta kuwa danaynaya in ay si iskood ah oo nabad-qab ah dib ugu soo guryo-noqdaan dalka.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka Liibiya.