Muqdisho-(SONNA)-Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiiday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, si wax looga qabto dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.
Heshiiskan oo socday ku dhowaad labo sano ayay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga iyo Bankigyada iyo Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).
Maal gelinta ayaa xoogga saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso shaqadan, Madaxda sare ee Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda Germany Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha mashruucan.
Guddoomaiyaha Hay’adda Gargaara, Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan-yahiin bulshada Soomaaliyeed, waxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay u leedahay taagaeradan Soomaaliya.
Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda Jarmalka Soomaaliya, Allena Kern ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, waxanay u ballan qaadday taageera buuxda.
Jarmalka waxa uu ka mid yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Soomaaliya, isagoo ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga.