Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf.
Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.