Addis Ababa (SONNA):- Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay saxiixeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.
Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.
Ugu dambeyn, heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maalnimadii shalay ahaa gaaray magaalada Addis halkaas oo casuumaad ugu fidiyey dhiggiisa dalkaas.