Addis Ababa-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Fardowso Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii adeegga hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaas oo la dhaqan geliyey 3-dii December 1988-dii.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaanqaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.
โHeshiiskan 1988-dii ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35-sano ay ka soo wareegatay, waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigan la joogo.โ ayey tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xil. Fardowso, iyadoo intaa ku dartayย in heshiiskan uu horumarinayo iskaashiga iyo khibrad wadaagga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada labada dowladood.