Soomaaliya iyo IMF oo ka hadlay Arrimo la xiriiray deyn cafinta dalka

La wadaag cid kale

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle , ayaa ka warbixiyay shir looga hadlaayey dhammeystirka deyn cafinta dalka,kaas oo oo uu la qaatay Madaxda hey’adda Lacagta adduunka ee IMF.

“Iskaashigeena ayaa keenaya natiijooyin xiriir oo wax ku ool ah oo aan la yeelano saaxiibadeena muhiimka ah ee gacanta weyn ka geystay isbadalka iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee Soomaaliya”ayuu yiri Dr.Beyle

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle waxa uu  sheegay in sidoo kale shirka uu la yeeshay madaxda IMF uu Gogol-Xaar u yahay kulan weyn oo lagu wado in uu qabsoomo bisha February ee soo socota,kaas oo ay yelan doonaan Soomaaliya iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Shirkaasi u dhaxeeyay Wasiirka maaliyadda xukumadda fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle iyo  saraakiisha hay’adda Lacagta aduunka ee IMF,waxaa kaloo looga hadlay  dib u habyenta maaliyadda dalka iyo iskaashiaga labada dhinac.

 

La wadaag cid kale