Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas mudane Yalchin Rafiyev
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Tamarta,Batroolka ,maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.
Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye Fathudiin Ali iyo guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Cabdulqaadir Aadan Maxamed.