Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya
GudahaWararka

Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 29, 2024
2 Min Read
Share

Abu Dhabi (SONNA): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group, kaas oo ay sida wadajir ah isaga gaashanayaan maalgashiga Kalluumeysiga iyo in la horumariyo dekedaha, iyo guud ahaan qeybta Kalluumeysiga ee dalka.

Heshiiskani waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah, horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo Kalluumeysi oo wadaag ah, iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada Kalluumeysiga.

Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, ayaa yiri: “waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybta kalluumeysiga ee dalka. Kooxda Dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda qaybta badda iyo kalluumeysiga ee dalka”.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dowladda Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadam, ayaa yiri ” Iyada oo aan kaashaneyno Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, waxaan diyaarinaa waddo u horseedeysa koror waara oo muddada dheer ah iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, iyo sidoo kale taageerida qaybta kalluumeysiga ee dalka, Iskaashigan ma ahan oo kaliya inuu xoojinayo awooddayada, laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha ee ku tiirsan waxsoosaarka Kalluunka.”

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxa uu ujeedkedu yahay in ay ka faa’iidaysato Khibradda ballaaran ee maareynta dekedaha, adeegyada saadka ee Imaaraadka iyo guud ahaan caalamka ee Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha, adeegyada badda iyo qaybaha saadka ee dalalka Masar, Jamhuuriyadda Kongo, Angola iyo Tanzania.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray degmada Caabudwaaq

Caabudwaaq-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee…

GudahaWararka
May 21, 2024

Agaasimaha NISA oo kulan la qaatay odayaasha deegaanka Tardo

Baladweyne-(SONNA)-Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), oo…

GudahaWararka
May 27, 2025

Wasiirka Gaadiidka ee XFS oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Sacuudiga ayaa kulan la yeelatay dhiggeedda dalkaas

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowso Cismaan Cigaal oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Boqortooyadda Sacuudiga…

GudahaWararka
January 21, 2024

Ciidanka degaanka Xinlabi oo kala wareegay khawaarijta Gaari u sida Saanad Ciidan

Muqdisho (SONNA);-Geesiyaasha Deegaanka ee ka hawlgalaya Xinlabi ayaa xalay hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay…

GudahaWararka
October 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023