Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.
Wararka

Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 15, 2020
5 Min Read
Share

Sida aad la socotaan Soomaalida ayaa inta badan ku wanaagsan dhanka ganacsiga iyagoo kasoo muuqda meelaha ay tagaan sida dalalka ay ganacsiga ka bilaabeen ee kala ah Koofur Afrika, Musambiig, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Uganda oo warbixintan uga hadli doono.

Dhamaan dalalkaas waxa ay Soomaalida ka sameeyeeyn ganacsi muuqda oo heer fiican ka gaareen ganacsatada, iyagoo inta badana dhibaato kala kulma soo muuqashada deg dega ah ee Soomaalida ganacsiga ka gaartay.

Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 20 kun oo qaxoonti iyo dad deegaan ah isugu jira kuwaas oo xuriyad u helay in ay ka ganacsadaan gudaha Uganda iyagoo wata sharciga dalkooda Soomaaliya.

Maxay Ugandeska ka aaminsan yihiin Soomaalida?

Muwaadiniin Ugandees ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ganacsatada Soomaalida ay yihiin ganacsato daacad ah oo aan iibin wax dhibaato u keenaya dalka iyo dadka Uganda, waxa ayna tusaale iigu soo qaateen dalal kale oo usoo iib keenay Uganda waxyaabaha dadka dhiba ee mukhaadaraadka ah  sida Khamriga iyo waxii la mid ah, halka Soomaalida ay keenaan cunooyin iyo wax dalka anfac u leh.

Ugandeeskaas ayaa sidoo kale ii sheegay in Soomaalida marnaba lagu arkee in ay sameeyaan khiyaano sida in dalka ay keenaan wax dhacay oo waqtigooda dhamaaday, ama ay keenaan qalab aan tayo lahayn halka Uganda ganacsatadeeda ay ku dhaliileen in wax tayo xun keenaan hadana qiimo badana ku iibiyaan.

Dadkaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida in faa’ido badan ka raadin ganacsigooda balse ay kasbadaan quluubta macaamiishooda iyagoo qiimaha dulsaarka ah aad u yareeya halka ganacsatada kale ay sameeyaan in dulsaar aad u badan saaraan qiimaha waxa ay iibinayaan.

Soomaalida maxay ka ganacsataa?

Soomaalida Uganda ka ganacsata oo dhowr qayb ah ayaa inta badan ka ganacsada qaybaha kala duwan ee kala ah sida Maqaayadaha, Shidaalka, Qalabka dhismaha, Sarifka lacagaha, xawaaladaha, Gaadiidka dalalka afrika isaga goosha iyo waxii la mid ah.

Maqaayadaha ugu waa wayn ee Uganda waxaa gacanta ku haaya Soomaali in muddo ah ku noolaa Uganda waliba yimid xiligii dagaalkii labaad ee aduunka kadibna galay ganacsigan oo aad looga dareemo gudaha Uganda, waxaana magac ahaan ganacsatadaas loogu yeeraa gudaha Uganda Mandeelayaasha oo ah magac ay caan ku yihiin.

Maqaaxiyadaha ugu waa wayn ee Soomaalida hayso waxaa ka mid ah oo marka aad Uganda timaado meel walba ka heli karto CAVE’S JAVAS, kuwaaas oo cunooyin aad umacaan oo heer caalami ah sameeya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa inta badan Ajibyada ama kaalimaha shidaalka haaya oo ah kuwa inta badan xukumo ama jaan gooya qiimaha shidaalka dalka Uganda, iyagoo ah haysta shirkada ugu magaca dheer dhanka shidaalka

Shirkada shidaalka ee Soomaalida hayso ayaa waxaa ka mid ah, Hass Petroleum, City Oil, Luqman Petroleum, iyo kuwa kale oo dhamaan ku kala baahsan daafaha dalka Uganda magaalo ilaa iyo miyi.

Gaadiidka waa wayn ee isaga goosha dalalka dariska la ah Uganda iyo dalalka kale, sidoo kalena ka shaqeeya gudaha Uganda ayaa waxaa gacanta ku haaya shirkado Soomaali ah oo basas waa wayn leh.

Gateway Bus iyo kuwa kale oo ah shirkadaha ugu waa wayn dhanka gaadiidka ayaa waxaa leh Soomaali iyagoo taga ama dad u daad gureeya dalka dariska ah sida Kenya, Ruwanda, iyo Koofurta Suudaan oo maalin walba basaskaas u kala goosaan.

Soomaalida kuma eka oo kaliya shirkadaha aan kor kusoo xusnay ee waxa oo kale ay gacanta ku haayaan shirkado soo saara cunooyinka qaybihisa kala duwan sida Burka iyo Sonkorta oo ah shirkada ugu wayn ee labadaas nuuc sameeya.

Sonkorta iyo Burka laga isticmaalo shirkadaha soo saara  waxaa leh Soomaali iyagoo xitaa u dhoofiya wadamada dariska ah, waana burka ugu tayada iyo qiimaha fiican gudaha Uganda.

Xawaaladaha iyo shirkadaha sarifka marka aad u baahato oo aa tagto suuqa wayn ee Kampala waxaa arkaysaa Soomaali badan oo shirkadahaas ka shaqeeya, marka aad u sii kuurgashidna waxaa ogaanaysaa in dhamaan Soomaali leedahay oo qaarkood wataan magacyadii xawaalaha Soomaaliya halka kuwa kalena ay leeyihiin magacyo  gudaha Uganda kaliya laga isticmaalo sida SUNDUS, AL-HUDA, iyo magacyo la mid ah.

Isku soo wada duuboo Soomaalida Uganda ku nool ayaa kasoo muuqatay dhamaan dhinacyada ganacsiga ee ka shaqeeyaan iyagoo aad loogu amaanay inta badana shaqo abuur u sameeya dhalinyaro Soomaali ah oo Uganda ku dayaci malahaa hadii aysan fursadan helin.

W/Q/.Fiidow Maxamuud Fiidow

Kampala Uganda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay shixnad…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu…

GudahaWararka
December 25, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qayb galay Bandhigga Difaaca “ADEX” oo lagu qabtay dalka Azerbaijan

Baku (SONNA):– Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku sugan dalka Azerbaijan, ayaa ka qayb galay sanad guuradii…

GudahaWararka
September 26, 2024

Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen…

Caalamka
June 15, 2023

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kullan la yeeshay madaxa istiraatiijiyada warbaahinta ee UNSOM+sawirro

Muqdisho- (SONNA)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa istiraatiijiyada…

GudahaWararka
November 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023