Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.
Wararka

Soomaalida ka ganacsata Dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay WARBIXIN.

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 15, 2020
5 Min Read
Share

Sida aad la socotaan Soomaalida ayaa inta badan ku wanaagsan dhanka ganacsiga iyagoo kasoo muuqda meelaha ay tagaan sida dalalka ay ganacsiga ka bilaabeen ee kala ah Koofur Afrika, Musambiig, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Uganda oo warbixintan uga hadli doono.

Dhamaan dalalkaas waxa ay Soomaalida ka sameeyeeyn ganacsi muuqda oo heer fiican ka gaareen ganacsatada, iyagoo inta badana dhibaato kala kulma soo muuqashada deg dega ah ee Soomaalida ganacsiga ka gaartay.

Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 20 kun oo qaxoonti iyo dad deegaan ah isugu jira kuwaas oo xuriyad u helay in ay ka ganacsadaan gudaha Uganda iyagoo wata sharciga dalkooda Soomaaliya.

Maxay Ugandeska ka aaminsan yihiin Soomaalida?

Muwaadiniin Ugandees ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ganacsatada Soomaalida ay yihiin ganacsato daacad ah oo aan iibin wax dhibaato u keenaya dalka iyo dadka Uganda, waxa ayna tusaale iigu soo qaateen dalal kale oo usoo iib keenay Uganda waxyaabaha dadka dhiba ee mukhaadaraadka ahย  sida Khamriga iyo waxii la mid ah, halka Soomaalida ay keenaan cunooyin iyo wax dalka anfac u leh.

Ugandeeskaas ayaa sidoo kale ii sheegay in Soomaalida marnaba lagu arkee in ay sameeyaan khiyaano sida in dalka ay keenaan wax dhacay oo waqtigooda dhamaaday, ama ay keenaan qalab aan tayo lahayn halka Uganda ganacsatadeeda ay ku dhaliileen in wax tayo xun keenaan hadana qiimo badana ku iibiyaan.

Dadkaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida in faa’ido badan ka raadin ganacsigooda balse ay kasbadaan quluubta macaamiishooda iyagoo qiimaha dulsaarka ah aad u yareeya halka ganacsatada kale ay sameeyaan in dulsaar aad u badan saaraan qiimaha waxa ay iibinayaan.

Soomaalida maxay ka ganacsataa?

Soomaalida Uganda ka ganacsata oo dhowr qayb ah ayaa inta badan ka ganacsada qaybaha kala duwan ee kala ah sida Maqaayadaha, Shidaalka, Qalabka dhismaha, Sarifka lacagaha, xawaaladaha, Gaadiidka dalalka afrika isaga goosha iyo waxii la mid ah.

Maqaayadaha ugu waa wayn ee Uganda waxaa gacanta ku haaya Soomaali in muddo ah ku noolaa Uganda waliba yimid xiligii dagaalkii labaad ee aduunka kadibna galay ganacsigan oo aad looga dareemo gudaha Uganda, waxaana magac ahaan ganacsatadaas loogu yeeraa gudaha Uganda Mandeelayaasha oo ah magac ay caan ku yihiin.

Maqaaxiyadaha ugu waa wayn ee Soomaalida hayso waxaa ka mid ah oo marka aad Uganda timaado meel walba ka heli karto CAVE’S JAVAS, kuwaaas oo cunooyin aad umacaan oo heer caalami ah sameeya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa inta badan Ajibyada ama kaalimaha shidaalka haaya oo ah kuwa inta badan xukumo ama jaan gooya qiimaha shidaalka dalka Uganda, iyagoo ah haysta shirkada ugu magaca dheer dhanka shidaalka

Shirkada shidaalka ee Soomaalida hayso ayaa waxaa ka mid ah, Hass Petroleum,ย City Oil, Luqman Petroleum, iyo kuwa kale oo dhamaan ku kala baahsan daafaha dalka Uganda magaalo ilaa iyo miyi.

Gaadiidka waa wayn ee isaga goosha dalalka dariska la ah Uganda iyo dalalka kale, sidoo kalena ka shaqeeya gudaha Uganda ayaa waxaa gacanta ku haaya shirkado Soomaali ah oo basas waa wayn leh.

Gateway Bus iyo kuwa kale oo ah shirkadaha ugu waa wayn dhanka gaadiidka ayaa waxaa leh Soomaali iyagoo taga ama dad u daad gureeya dalka dariska ah sida Kenya, Ruwanda, iyo Koofurta Suudaan oo maalin walba basaskaas u kala goosaan.

Soomaalida kuma eka oo kaliya shirkadaha aan kor kusoo xusnay ee waxa oo kale ay gacanta ku haayaan shirkado soo saara cunooyinka qaybihisa kala duwan sida Burka iyo Sonkorta oo ah shirkada ugu wayn ee labadaas nuuc sameeya.

Sonkorta iyo Burka laga isticmaalo shirkadaha soo saara ย waxaa leh Soomaali iyagoo xitaa u dhoofiya wadamada dariska ah, waana burka ugu tayada iyo qiimaha fiican gudaha Uganda.

Xawaaladaha iyo shirkadaha sarifka marka aad u baahato oo aa tagto suuqa wayn ee Kampala waxaa arkaysaa Soomaali badan oo shirkadahaas ka shaqeeya, marka aad u sii kuurgashidna waxaa ogaanaysaa in dhamaan Soomaali leedahay oo qaarkood wataan magacyadii xawaalaha Soomaaliya halka kuwa kalena ay leeyihiin magacyoย  gudaha Uganda kaliya laga isticmaalo sida SUNDUS, AL-HUDA, iyo magacyo la mid ah.

Isku soo wada duuboo Soomaalida Uganda ku nool ayaa kasoo muuqatay dhamaan dhinacyada ganacsiga ee ka shaqeeyaan iyagoo aad loogu amaanay inta badana shaqo abuur u sameeya dhalinyaro Soomaali ah oo Uganda ku dayaci malahaa hadii aysan fursadan helin.

W/Q/.Fiidow Maxamuud Fiidow

Kampala Uganda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah…

GudahaWararka
July 12, 2023

Wasiirka Qoyska oo la kulantay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay George…

GudahaWararka
January 15, 2025

Magaalada Caad ee gobolka Mudug oo Khawaarijta laga saaray

Baxdo (SONNA): Ciidamada difaaca shacab (Macawisley) ayaa gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad oo dhacda Koofurta gobolka Mudug…

GudahaWararka
January 3, 2024

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya

MUQDISHO-(SONNA)-Taliyaha ciidan xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo…

GudahaWararka
January 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023