Muqdisho-(SONNA)-Siihayaha safaarada Soomaaliya ee Sudan danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagay siihayaha safaraada Sudan ee Soomaaliya mudane Camaar Baabikir, waxayna ka wada hadleen sii xoojinta xariirka labada dal ee walalala ah ee faca-Wayn iyo halka ay mareyso xaalada dalka Sudan iyo horumarka ay ciidamada dowlada ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka RSF.
Siihayaha safaarada suudaan ayaa ka mahadceliyey sida ay dawlada iyo shacabka soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin walaalahooda reer Sudan oo ku jira xalad adag, iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey dalka Soomaaliya shacabka reer Sudan ee soo gaaray muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Somalia. Isagoo bogaadiyey go’aanka dowlada Soomaaliya ay dib ugu furayso safaarada Somalia ee sudan oo kamid ahayd safaaradihii ku waxyeeloobay colaada ka bilaabatay dalkaas horaantii bishii April 2023. Amb
Danjire Axmed Cabdi Xasan ayaa la wadaagay safiirka Sudan ee Soomaaliya sida dowladda iyo shacabba ay uga xun yihiin colaada ka socota dalka sudan, ayna dowlad iyo shacabba diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan sidii colaadaas loo soo joojin lahaa, looguna soo dabaali lahaa dalka Sudan nabar waarta iyo xasilooni siyaasadeed.