Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan afka iyo dhaqanka u soo xiray 70 suxufi
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan afka iyo dhaqanka u soo xiray 70 suxufi
Wararka

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan afka iyo dhaqanka u soo xiray 70 suxufi

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 18, 2020
4 Min Read
Share

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta tababar la xiriirta Afka iyo dhaqanka u soo gabo gabeeyay in ka badan 70 suxufi oo ka kala socday Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo arday ka socotay Jaamacadda Ummadda oo barata kulliyadda saxaafadda.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana socday muddo saddex cisho ah ayaa gaba gabadii waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda shaqada, shaqaalaha iyo tababarada Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda Farsamada iyo teknaloojiyadda Mudane Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Mudane Cali Cabdillaahi

Agaasimaha Waaxda shaqada, shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan uu socday muddo sadddex cisho ah, ayna ka qeyb galeen suxufiyiiin isugu jira shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, kuwa ka howlgalla warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo ardayda Jaamacadda Ummadda.

“Mudane Wasiir tababarkan waa kii 9-aad oo ay Waaxdu qabato tan iyo bishii July, waana kii ugu tirada badnaa ee ay ka qeyb galaan dad intaan la eg, runtii intii ka qeybgashay wax badan ayay ka faa’iideysteen, waxaana rajeynayaa inay ku dabaqi doonaan shaqadooda”.ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Safiyo Maxamed Cumar oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Ummadda ee kulliyadda saxaafadda barata, kuna hadlaysay magaca ka qeybgalayaasha ayaa tilmaamtay in wax badan ay ka faa’iideen siminaarka, ayna codsaneyso in la joogteeyo tababarada nuucaani oo kale ah.

Maxamed Xasan Cirro oo ka mid ah macalimiinta tababarka bixinaysay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee tababarka ku qabsoomay, isagoo Agaasime Cabdirixiin uga mahadceliyay qabsoomidda tababarkan.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa suxufiyiinta inaad xoojisaan u hiilinta Afka Hooyo iyo inaad barataan barashada dhaqanka oo wax badan kuu fududeyn doonta” ayuu yiri Ustaad Maxamed.

Axmed Faarax Cali Idaajaa ayaa xusay in dhallinyarada fursadda u heshay tababarka ay yihiin kuwa u diyaarsan inay waxbartaa, isagoo madaxda Wasaaradda ka codsaday inay diyaariyaan maktabad ay suxufiyiinta cilmiga ka bartaan.

“Waxaan idin kula dar daarmayaa in aadan dhex dhexaad ka noqon masiirka dowladnimada Soomaaliya, waa inaad arrintaas maanka ku heysaan, waxaana codsanayaa in Wasaarada loo sameeyo library oo dhallinyaradu ay bugaagta ku akhristaan” ayuu yiri Axmed Idaajaa.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo soo xiray tababarka ayaa Agaasime Cabdirixiin iyo intii kale ee soo qaban qaabisay tababarka uga mahadceliyay qabsoomidda siminaarka, waxaana uu ku booriyay ka qeybgalayaasha in waxyaabaha ay halkan ka barteen ku dabaqaan shaqooyinkooda.

“Fursad qaali ah weeye in la is baro dhallinyarada iyo dadka aqoonta leh, sida Axmed Faarax Idaajaa iyo Maxamed Xasan Cirro, lana baro dhaqankooda iyo afkooda, waana uga mahadcelinayaa arrintaas”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in waxyaabaha siminaarka laga bartay ay qeyb ka ahayd wax curinta, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay meelaha ay ku liitaan suxufiyiinta, uuna ku faraxsanyahay in ay barteen, maadaama baahi weyn loo qabay.

“Waxaan idinku boorinayaa inaad joogteeysaan barnaamijyada iyo wararka ku saabsan wax curinta oo aad bulshada meelaha ay ka liitaan aad war ka soo sameysaan, waxaan kaloo halkan idinla wadaagayaa in Warbaahinta Qaranka laga dhigay warbaahin bulsho, waxaana sameyn doonaa guddi soo diyaariya siyaasadda ay ku shaqeyneyso Warbaahinta” ayuu yiri Mudane Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ku howlanahay diyaarinta sharciga dhaqanka, bulshadana ay fursad u heli doonaan barashada dhaqankooda.

Ugu dambeyn waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha siminaarkii kusaabsanaa Af-ka iyo dhaqanka.

               

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Madaxda Afrika

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda…

GudahaWararka
February 18, 2023

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Maraakiib laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qorsheynaya ineey soo gaaraan xeebaha Soomaaliya dhamaadka bishaan October, iyagoo billaabi doona raadinta saliidda…

Gudaha
October 4, 2024

Safarkii gaariga ee ku wajahnaa madaxtooyadda Soomaliya(Maqaal)

Muqdisho (SONNA) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna…

MaqaalladaWararka
February 5, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga u soo xiray Tababar…

GudahaWararka
June 23, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023