Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Sii-hayaha wasiirka Ganacsiga XFS oo ku baaqay in sida ugu habboon looga talo bixiyo dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Sii-hayaha wasiirka Ganacsiga XFS oo ku baaqay in sida ugu habboon looga talo bixiyo dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha
Wararka

Sii-hayaha wasiirka Ganacsiga XFS oo ku baaqay in sida ugu habboon looga talo bixiyo dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha

By Kulane
Last updated: October 7, 2020
3 Min Read
Share

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay u qabatay hay’adaha dawladda heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadayaasha iyo Taageerayaasha Caalamiga ah,kaas oo la xiriiray xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinaayey sharciga shirkadaha Soomaaliya.

Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyada oo sido kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, hay’adaha IFC iyo weliba Sharci yaqaanada Muqdisho Law Office, Waxaana kulanka diiradda lagu saarayey dib-u-eegis lagu sameynaayey xeer-nidaamiyahaasi iyo in ka soo-qeyb-galayaasha kulankaasi ay talooyinkooda ku biiriyaan haddii ay tahay wax-ka-beddelid, kaabid iyo ka saarid intaba.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkani ay ahmiyad weyn u leeyihiin fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga, diiwaan-gelinta shirkadaha, xogta ganacsiga, fursadaha maal-gashiga iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal-gashadaha iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo-jiidasho maal-gashi, shaqo-abuur iyo kobcinta dhaqaalaha intaba.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ka soo-qeyb-galayaashii kulanka uu kula dar-daarmay inay sida ugu habboon ay uga talo-bixiyaan xeerkaas lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha iyaga oo eegaya sida ay u dhisan yihiin shuruucda iyo xeerarka shirkadaha adduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan-qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri-gelinta iyo soo-jiidashada ganacsi iyo maal-gashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.

Wasiirku, wuxu ugu dambeyntii u mahad-celiyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Hay’adda IFC iyo Xafiiska Sharci-yaqaanada Muqdisho oo hawsha dedaal xoog leh ku bixiyey siddii ay u midho dhali lahayd sidoo kalena hore uga shaqeeyey diyaarintii iyo dhammeystirkii sharciga shirkadaha oo la ansaxiyey bishii Diisember 2019, waxa kale oo uu u mahad-celiyey dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay kulankaas oo uu u rajeeyey inay talooyin wanaagsan ku soo kordhin doonaan xeerkaasi.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa howlgalka IGAD ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda kulan wax-ku-ool ah kula qaatay Madaxa…

GudahaWararka
March 6, 2025

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali Muqdisho, 26 July, 2025…

GudahaWararka
July 26, 2025

Wafdi ka socda Qadar oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed  oo laga hirgaliyay Kismaayo

Muqdisho:(SONNA)-Wafdi uu hogaaminayo Safiika Qatar ee Somaaliya Xasan Xamza iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa manta xarigga…

Wararka
June 18, 2020

laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport…

GudahaWararka
February 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023